Maxkamadda Rafcaanka oo diiddey nin la bixi lahaa magaca bahal soo bixi doona marka uu Qiyaamuhu dhow yahay (Wax ka ogow arrinta dhan)

0

(Ismir) 10 Okt 2021 – Nin ku nool gobolka dhaca galbeedka Turkiga ee Ismir ayay Maxkamadda ugu sarraysa Rafcaanku ka diiddey inuu la boxo magaca Dabbetülarz, ama Dabbat al-Ard, oo ka mid ah astaamaha la arki doono marka uu Qiyaamuhu soo dhow yahay.

Daabatul Ardi oo Qur’aanka lagu xusay, ayuu doonayey inuu la boxo ninkan oo magaciisa lagu soo koobay K.K., kaasoo sheegay in lagu naanayso Avcı (ugaarsade)” balse uu doonayo in loogu bedelo Dabbetülarz.

Maxkamadda maxalliga ah ayaa soo jeedintiisa aqbashay, balse waxaa arrintaa kahor timid Wasaaradda Cadaaladddal iyadoo ku doodday in magac beddelkani uu ka hor imanayo xeerka Turkiga.

Wuxuuna ninkii u gar dhigtay Maxkamadda Rafcaanka Turkey (Yargıtay), taasoo baabi’isay go’aankii hore, iyadoo u cuskanaysa in aan xeerka dalkaasi ogolayn in lala boxo magacyo qalaad ama asal ahaan kasoo jeeda Carabi, ama kuwa loo arki karo wax khiyaali ah, meel ka dhac ah iwm, waloow 2018-kii la meel mariyey xeer fasaxaya in magaca la bedeli karo iyadoo aan maxkamad loo baahan, sida magacyada yaxyaxa leh ee ay awoowayaashood lahaayeen.

Turkiga oo ay dadku ilaa 1934-kii ay dadku qaadan jireen magacyada muujinaya darajooyinka bulsho sida Hoca (macallin), Ağa (mudane), ama xirfadohooda sida Demirci (bir-tun), ama kuwa xusaya magaaladooda.

Yeelkeede waxaa la qaatay sharci cusub 1934-kii, iyadoo dadka la faray inay qaataan magacyo quman oo awoowe laga soo gaar ah ama magacyada macquulka ah sida Türkoğlu (wiilkii Turkiga) ama Güçlü (Xoog Wayne) ama Koyun oo ah amaan xayawaan, waloow kan dambe ay dadka qaar ku qoslaan.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media