DHEGEYSO: Maxaa Somalia u eg haddii loo xukumo badda balse ay Kenya diiddo go’aanka Maxkamadda ICJ? (Horay ma u dhaceen dalal diidey?)

0

(Muqdisho) 10 Okt 2021 – Kenya ayaa si cad ugu dhawaaqday inaysan aqoonsan doonin go’aanka dacwadda badda sida uu sheegay Xoghaye Dibadeedka dalkaasi, PS Macharia Kamau.

Kamau ayaa saxaafadda u sheegay in aysan dheg u dhigi doonin go’aanka lagu wado inuu soo boxo 12ka bishan oo ku beegan Talaadada.

Wuxuu sheegay in Somalia ay “dhul-ballaarsi soo jirey tan iyo 1969-kii ku waddey Kenya oo uu sheegay in lagu xadgudbayo “madax bannaanideeda geyi”, isagoo Maxkamadda ICJ ku tilmaamay mid dhinac ka raran.

Waxaa su’aashaasi ka jawaabaya Cabdisalaan Cabdi oo ah sharci yaqaan ku nool dalka Kenya ee halkan ka dhegeyso.

Hadalsame Media