‘Baaris ayaan ku bilownay!” – Booliiska Ingiriiska oo ku dheggan Xaakim muhim ka ah dalka Imaaraadka

0

(London) 10 Okt 2021 – Booliiska UK ayaa wacad ku maray inay baaris ku sameeyaan Xaakimka Dubai, Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, oo ku eedaysan inuu jabsaday telefoonnada xaaskiisii hore iyo qarreenadeeda oo UK ku sugan.

Warkan ayaa daba socda war kasoo baxay Maxkamadda UK oo lagu xaqiijiyey in la jabsaday telefoonnada Princess Haya Bint Al Hussein, qarreennadeeda iyo dad kale iyadoo la adeegsanayo Pegasus Spyware oo ay samaysay shirkad Israeli ah xilli ay labadoodu isku haysteen cidda ilmaha haynaysa.

Xaakimka Dubai oo 72-jir ah ayaa ku eedaysan inuu deeto u dhacay telefoonka Amiira Haya oo 47-jir ah, iyadoo loo adeegsadey barnaamij ay dowlad uun heli karto.

Garsoore Andrew McFarlane ayaa sheegay in la beegsaday ilaa 6 telefoon oo uu ku jiro midka qarreenkeeda Fiona Shackleton, oo sidoo kale xubin ka ah Aqalka Sare ee House of Lords oo ay ku metesho xisbiga Conservative-ka.

Booliiska Magaalada London ayaa war ay soo saareen ku sheegay inay baarayaal u saareen arrintan oo ay wax kala socdeen ilaa sanadkii tegey.

Imaaraadka ayaa ka kooban ilaa 7 Imaaradood oo Federaal ah, balse waxaa ugu muhiimsan labada kala ah Abuu Dabeey iyo Dubai.

Hadalsame Media