(Newcastle) 10 Okt 2021 – Newcastle United ayaa noqotay kooxda dunida ugu taajirsan kaddib markii ay £300m oo gini kula wareegayeen Dallad uu leeyahay Sucuudigu.
Sucuudiga oo ka gar baxay horyaallo kala duwan oo ay ku jiraan Serie A, Premier League iwm oo ay qaab xatooyo ah uga qaadanayeen beIN Sports oo ay Qadar leedahay ayaa sidaa kusoo soo af jaray taladii Mike Ashley, kaasoo 14-sanadood lahaa kooxda Magpies oo ay taageerayaashu aad u dhibsadeen.
Yeelkeede, weli dhibku ma dhamaanin oo sida uu qorayo The Guardian, 19-ka naadi ee kale ee EPL ayaa wada dhaqaaqyo ka dhan ah milkiilayaasha cusub ee Newcastle, iyagoo haatan madaxda EPL ka dalbaday inay la kulmaan todobaadka soo aaddan.
Waxay ku doodayaan in ay ogaayeen iibkan oo la diidey balse ay haatan mar qura ka war heleen in kooxdii la iibiyey iyadoo aan xitaa la wargelin oo ay saxaafadda uun ka ogaadeen, halka Khamiistii uun ay madaxda EPL usoo direen e-mail xilli ay wax kasta ogaadeen.
Madaxda EPL ee Richard Masters, iyo Gary Hoffman, ayaa haatan ashtakooyin ka guddoomey madaxda naadiyada kale, kuwaasoo ku doodaya inaysanba filayn in la ogolaan doono iibkan marka la eego waxyaabihii lagu haystey MBS iyo guud ahaan Sucuudiga.
Hadalsame Media