Maxaan ka naqaan Max’ed D. Afrax muxuuse hadda gacanta ku hayey?

0

(Hadalsame) 09 Okt 2021 – Nin weyn ayaa Soomaali ka baxay. Alle ha u naxariisto Dr Maxamed Daahir Afrax oo sida ay qoyskiisu ii sheegeen London ku geeriyooday.

Wuxuu ahaa qoraa iyo afyaqaan muddo hore bilaabay inuu dadkiisa u tuujiyo maskaxdiisa ka dibna uu ku cabbiro qalinkiisii khadka farshaxanka leh dhibcinaayey.

Dad badan waxay aad ugu yaqaanaan sheekadii caanbaxday ee Maanafaay iyo buuggiisii Fan-masraxeedka Soomaalida oo uu daabacay sannadkii 1987-kii.

Wuxuu sidoo kale ahaa guddoomiyaha Akaddamiyad-goboleedka AGA sidoo kale bishii Juun 2015 ayaa loo magacaabay guddoomiyaha guddiga dib u-eegista dastuurka.

Dhawaan markii la soo bandhigayey buugga uu qoray Abwaan Hadraawi ayey isaga iyo team-kiisu waxay ii fududeeyeen inuu faallo duubo oo uu ku darsado bandhigga codsigaas oo aan u gudbiyey maddaama Afrax iyo Hadraawi ay ahaayeen saaxiibbo muddo dheer isla jaalay.

Sidoo kale isla laba todobaad kahor waxa gacantayda soo galay oo aan weli akhriyayey buugga Fan-masraxeedka oo runtii taariikh iyo dhugasho badani ku jirto. Ehelkiisa gaar ahaa saaxiibkay Burhaan Axmed Daahir oo uu adeer u yahay iyo Soomaaliba samir iyo iimaan.

Waxaa Qoray: Cumar Seerbiya

Hadalsame Media