Ciidamada Maraykanka oo laga yaabo inay dib ugu soo laabtaan Somalia (Kulamo ay bilaabeen)

0

(Kismaayo) 09 Okt 2021 – Ciidamada Maraykanka ayaa u muuqda kuwo mar kale dib ugu soo noqonaya Somalia kaddib markii uu si halhaleel halkaa uga saaray MW hore ee Maraykanka ee Donald Trump, dabayaaqadii sanadkii tegey.

Haatan saraakiil Maraykan ah oo uu hoggaaminayay Taliyaha Howlgalka Mareykanka ee Somalia Col. Thomas Sarrouf, ayaa kulan Madaxtooyada Jubalanad kula qaatay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

Wararku waxa ay intaa raacinayaan in kulankan lagu qaadaa dhigay dardar-gelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab iyo taageerada guud ee uu Mareykanku siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhanka ciidamada DF iyo kuwa gobollada.

Maraykanka oo ay Somalia ka joogeen ilaa 700 oo askari oo inta badan tababarro & farsamo u joogey ayaa meelaha ay fadhiyeen waxaa ka mid ahaa Muqdisho, Balli-doogle iyo Kismaayo.

Maamulka Joe Biden ayaa beri dhowayd sheegay inay kusoo noqon karaan Somalia oo ka mid ah dalalka ay ka joogaan Afrika.

Hadalsame Media

Facebook Comments