RASMI: Kenya oo si toos ah u shaacisay inaysan ixtiraami doonin go’aanka ICJ

0

(Nairobi) 08 Okt 2021 – Kenya ayaa si cad ugu dhawaaqday inaysan aqoonsan doonin go’aanka dacwadda badda sida uu sheegay Xoghaye Dibadeedka dalkaasi, PS Macharia Kamau.

Kamau ayaa saxaafadda u sheegay in aysan dheg u dhigi doonin go’aanka lagu wado inuu soo boxo 12ka bishan oo ku beegan Talaadada.

Wuxuu sheegay in Somalia ay “dhul-ballaarsi soo jirey tan iyo 1969-kii ku waddey Kenya oo uu sheegay in lagu xadgudbayo “madax bannaanideeda geyi”, isagoo Maxkamadda ICJ ku tilmaamay mid dhinac ka raran.

Kenya ayaa sheeganaysa dhul-badeed abid ka tirsanaa Somalia taasoo keentay inay Somalia dacwaddan galayso 28kii Agoosto 2014-kii.

Waxaa markii uu Kamau warkan sheegayey ag joogey Taliye Xigeenka Xoogga Mr Ogola, Qarreenka Guud Kennedy Ogeto iyo Xoghayaha Daafaca PS Ibrahim Mohamed.

Kenya ayay muuqataa inaysan cuskanayn wax xeer badeed ah iyo heshiis rasmi ah midna, halka Somalia ay ku taagan tahay Article 15 oo la sameeyey 1982-kii.

Dhanka kale, Kenya oo markii hore qoor dhiibatey ayaa ka baxday dacwad-afeedkii ugu dambaysey.

Hadalsame Media