”Waxaan Al-aqsaa ku dhex dukanaynaa annagoo aamusan!” – Maxkamad Israeli ah oo soo saartay xukun gardarro ah (Hal dal oo Muslim ah oo ka hadlay)

0

(Quddus) 07 Okt 2021 – Garsoore Israeli ah ayaa shalay ridey xukun muran badan dhaliyey oo ku saabsan in Yuhuuddu ay ku dhex cibaadaysan karto Masjidul Aqsaa oo ku yaalla Bariga Quddusta xoogga lagu haysto.

Sida uu sheegay hilinka Israel ee Channel 7 News, Justice Bilha Yahalom oo ka tirsan Maxkamadda Quddus ayaa soo saaray in haddii ay Yuhuuddu ku dhex cibaadaystaan Masjidka 3-aad ee ugu muhiimsan Islaamka aan lagu tilmaami karin “fal dembiyeed” haddii ay cibaadaysanayaan iyagoo aamusan.

Waxaa ka daran, in Garsoorahani uu sheegay inuu sidaa u leeyahay maadaama aysan taasi ka hor imanaynin awaamiirta booliiska, isagoo aan soo hadal qaadin ama qadarin qawaacidda arrintaa uga degsan Islaamka.

Xukunkan ayaa yimid kaddib markii uu Maxkamadda u dacwoodey wadaad Yuhuudi ah oo la yiraahdo Rabbi Aryeh Lippo oo ka ashtakoonayey mamnuucid ay soo rogeen Booliisku.

Xaakimkan ayaa xukumay in Lippo iyo jamaacadiisa loo fasaxo inay gudaha u galaan Masjidul Aqsaa oo gudihiisa ku cibaadaystaan, kaasoo ay iyagu u yaqaannaan Temple Mount, isla markaana ay lahaanshihiisa sheegtaan.

Dalka Urdun, oo isagu tan iyo 1948-kii maaraynayey Waqafka Islaamiga ah ee Quddus aya ah dalka qura ee Muslim ah ee ilaa haatan go’aankaa cambaareeyey iyagoo sheegay in iyaga oo qur ihi ay soo saari karaan wixii ku saabsan go’aaminta arrimaha Al Aqsaa.

Hadalsame Media