RAQBA WAA KU RAGGEED: Su’aalo ku socda culumada Somaliland oo ku saabsan sababta ay u aamusan yihiin?!!

0

(Hadalsame) 07 Okt 2021 – Weriye Abuukar Albadri ayaa qoraal ka sameeyey shuuxshuuxa ka dhashay aamuska dhegajebiska ah ee culimada Somaliland oo aan weli si ku filan uga hadlin dadkii masaakiinta ahaa ee uu soo raafay nidaamka ay ku hoos nool yihiin. Wuxuu ku bilaabay:

SU’AALO KU SOCDA CULUMADA SOMALILAND??

1. Aaway culumaa’udiinkii Somaliland?

2. Ma waxaad ku faraxsan tihiin waxa uu falay maamulka #Somaliland ee lagu falay dadka kuwii ugu tabarta darnaa?

3. Ma idinka dhintay damiirkii dadnimo ee ay ummadda oo dhan idinka fileysay?

4. Ma hilmaamteen xadiiskii ahaa (انصر أخاك ظالمًا أو مظلومًا)

5. Maxaad ummadda Soomaaliyeed la soo hor istaagi doontaan berri haddii aad maanta aamustaan?

Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil, Sh.Mohamed Sh.Omer Dirir الصفحة الرسمية, Sheikh Almis Sheikh Yahye, Sheekh Xasan Sheekh Cali Warsame iyo inta la halmaasha ee wadaaddo ah waxaan idin leeyahay: Haddii arrintan aad uga aamusteen baqdinta Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin darteed waxaa Jooga ALLIHII iyaga, idinka iyo dhibbanayaashaba abuuray, haddii aad u aamusteen taageero aad niyadda ka taageersan tihiin falka dhacayna Ilaahey wuu idin jeedaa, qiyaamahana xisaab baa idin taalla.

Dadkan in laga dhigo kuwo duruufeysan waa imtixaan Rabbaani ah, in xadgudubkooda la eegtana waa imtixaan kale oo Rabbaani ah. Ha hilmaamina in ay ku jiraan kuwo haba iska duruufeysnaadaan eh ALLAAH SW si dhab ah ugu xiran oo aan ducadooda la soo celin.

Ogaada bulshada iyo Ilaaheyba way idin daawanayaan. Aniga oo idin naseexeynaya ayaan idin leeyahay fadlan xaqa caddeeya, bulshada u sheega waxa dhacaya in ay jariimo yihiin, cunsuriyad maanta qeyb haka noqonina, ugu yeraan hadla oo ADCAFUL IIMAAN sameeya.

Fadlan farriintan sii faafiya (Share) si ay u gaarto wadaaddadan.

Waxaa Qoray: Abuukar Albadri

Hadalsame Media