Newcastle United oo haddii ay Sucuudigu la wareegaan noqonaysa kooxda dunida ugu qanisan (Waxay 50 & 10 jeer ka lacag badnaanayaan PSG & Man City)

0

(Newcastle) 07 Okt 2021 – Newcastle United ayaa noqon doonta kooxda dunida ugu taajirsan haddii uu hirgalo heshiis ay £300m oo gini ugula wareegayaan Dallad uu leeyahay Sucuudigu.

Sucuudiga oo ka gar baxay horyaallo kala duwan oo ay ku jiraan Serie A, Premier League iwm oo ay qaab xatooyo ah uga qaadanayeen beIN Sports oo ay Qadar leedahay ayaa qarka u saaran inay soo af jaraan taladii Mike Ashley, kaasoo 14-sanadood lahaa kooxda Magpies oo ay taageerayaashu aad u dhibsadeen.

Newcastle are set to become one of the richest clubs in world football after a Saudi takeover led by Crown Prince Mohammed bin Salman

Newcastle United ayaa haddii ay la wareegto dalladdan uu hoggaaminayo Dhaxal-suge Mohammed bin Salman, waxay noqonaysaa kooxda dunida ugu taajirsan, waayo waxay dalladani haysataa raasumaal gaaraya £320 bilyan oo gini.

Waxay taasi ka dhigan tahay in ay 10 jeer ka hanti badnaanayaan milkiilayaasha Man City oo ugu soo dhow oo haysata £23.2 bilyan oo gini, halka ay 50 jeer ka dakhli badnaanayaan PSG oo la ordaysa £6.5 bilyan oo qura.

Sheikh Mansour oo ah RW Xigeenka Imaaraadka isla markaana ka mid qoyska xukuma Abuu Dabeey oo Man City iska leh ayaa awal ahaa ninka ugu taajirsanaa kooxaha EPLhad topped the list as the wealthiest owner in world football

Hadalsame Media