DEG DEG: Axmed Fiqi oo iska casiley Wasiirkii Amniga Galmudug (Maxay isku fahmi waayeen?)

0

Axmed Macallin Fiqi, Wasiirkii Amniga Galmudug, ayaa haatan ku dhawaaqay inuu gebi ahaanba iska casiley xilkii uu ka hayey Maamulka Galmudug.

”Maantay waxaan Madaxweynaha Galmudug u gudbiyey iska casilaadaydii xilka Wasiirka Amniga Galmudug, kaddib markii aan isla fahmi weynay qaabka loo wajahayo khilaafka isaga iyo ASWJ u dhexeeya, ee uu asagu doortay wadada dagaalka iyo colaad Galmudug ku reebaysa mahadhooyin danbe,” ayuu warkiisa ku bilaabay Fiqi.

Fiqi ayaa farta ku fiiqay waxa uu qoonsaday ee is casilaadda keenay.

”Isagoo adeegsanaya ciidamo Muqdisho laga soo daadgureeyey kuwaasoo wax talo ah mas’uuliyiinta GM ama wasaaradda amnigu aysan ku lahayn, aniguna aan u soo jeediyey wadada wadahadalka iyo dagaal la’aantu in ay ka sahlan tahay, ka dhib yar tahay, kana guul badan tahay middaas iyo sidoo kale in argagixisada Shabaab la dagaalankooda aan xoogga saarno una jihayno gulufka socda dhankooda.

”Wixii faahfaahin ah waxaan ku sheegi doonaa shir jaraa’id oo aan dhowaan qaban doono ugana hadli doono xaaladda cakiran ee Galmudug ka taagan, fariinna aan ugu diri doono waxgaradka Galmudug ee samaha jecel.

”Waxaan si guud ugu mahadcelinayaa hey’adaha Dawladda Galmudug iyo madaxdooda, shacabka dulqaadka badan, si gaar ah hawlwadeenada wasaaradda amniga iyo ciidamada qaranka iyo kuwa daraawiishta Galmudug ee aan sida wanaagsan u soo wada shaqaynay ee qaarkood ku sugan yihiin dhufaysyada hore ee argagixisada lagula dagaalamayo, iyo sidoo kale deeq bixiyaasha Soomaaliya iyo hey’adaha caalamiga ah oo si weyn noo garab taagnaa. Allaha ilaaliyo Galmudug & dadkeeda.” ayuu kusoo gabagabeeyey qoraal uu soo dhigay Facebook.

Arrintan ayaa sii cakiraysa xaaladda Galmudug oo markale wajahaysa qaybsanaan gudeed oo micne darro ah iyo dagaal uga imanaya dhowr jiho oo ay kuwa muuqdaa yihiin Shabaab & ASWJ.

Hadalsame Media