”Waxay ahayd in la xusuusto abaalka Abaartii Dabadheer!” – Dadwaynaha Hargaysa oo ka hadlay raafka Laascaanood (Daawo)

0

(Hargaysa) 06 Okt 2021 – Maamulka Somaliland ayaa howlgal qorsheysan oo raaf ah oo ay wadaan Ciidamada Booliska ka bilaabay xaafadaha Degmada Laascaanood oo laga xukumo Gobolka Sool.

Howlgalkan oo si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo dad lagu sheegay qaar ”ka soo jeeda deegaan ahaan koonfurta Somalia” ayaa waxaa lagu raafay dad halkaa ku lahaa meherado ganacsi, sida ay sheegayso saxaafadda maxalliga ihi.

Haddaba, dadwaynaha Hargaysa ayaa markii ugu horreeysey ra’yigooda ka dhiibtey sida ay u arkaan raafkan aan kala sooca lahayn ee loo gaysanayo dad badan oo ay caddahay inaysan wax dembi ah ku lahayn sababta raafka.

Dadwaynaha ayaa arrintan oo khilaafsan xeerarka caalamiga ah ku kala qaybsamay, iyadoo ay qaarkood soo dhoweeyeen, halka ay qaar kale ay arrinta dhinacyo badan ka eegeen oo ay ku tilmaameen mid aan ku habboonayn ”Islaannimada, Soomaalinnimada iyo wax kasta oo taabanaya damiirka insaanka.”

Halkan hoose ka daawo….

Hadalsame Media