Soomaalida oo qabatimaysa xaalad halisteeda leh marka mustaqbalka la eego (Dhaqan u baahan in wax laga qabto)

0

(Hadalsame) 06 Okt 2021 – Geeri iyo nolol. Shirkadaheenna raashinka ka ganacsadaa in ay dalka maalgashadaan oo wax ka soo saaraan wax ay ka doorteen in ay wax walba debedda ka soo dhoofiyaan, xitaa biyaha, caanaha, hilibka iyo kalluunka.

Taa waxaa keenay saddex sababood; Waa mare, halkii ay shaqo dhab ah ka shaqaysan lahaayeen waxaa ku filan in ay raashin tayo xun markab ku soo raraan dabadeed qiimaha ay doonaan ku gadaan, sidaana lacag badan si fudud ku helaan.

Waa marka labaade, ma jirto dawlad leh siyaasad dhaqaale oo la gu qorsheeyo waxa dalka la gu cunayo iyo sida waxaa la gu helayo. Waa Marka saddexaade, ma jirto bulsho wacyi korran oo ka digtoon qashinka debedda loo ga soo dhoofinayo iyada oo dheef tayo leh dalka loo ga soo saari karo.

Waxaa kale oo aanay cid ku baraarugsan ama dan ka lihi jirin raashinka qashinka ah ee dheeftu ka dhammaatay ee debedda la ga keenayo halista nabadgalyo iyo nololeed ee ku jira.

Tusaale ahaan haddii dunida dagaal weyni ka dhaco, ama si uun baduhu u xidhmaan, ama dalalka raashinka la ga soo dhoofiyo cuntadu ku yaraato, dadkeennu gaajo ayay is qalanayaan oo waa hubaal.

Hay’adda QM ee Committee on World Food Security, “Food Security” wax ay ku macnaysay “that all people, at all times, have physical, social, and economic access to sufficient, safe, and nutritious food that meets their food preferences and dietary needs for an active and healthy life”.

“Amniga cunto macnaheedu waa in dadka oo dhami, goor kasta, ay awood u yeeshaan farsamo ahaan, bulsho ahaan iyo dhaqaale ahaanba in ay helaan cunto ku filan oo nafaqaysan, ayna ka la dooran karaan noocyada quudka ay rabaan ee baahiyahooda dheefeed waafaqsan si ay u yeeshaan nolol leh karti iyo fayoobi”.

Intaa innaga waxaa inoo beddeshay xaqiiqada naxdinta leh ee aynnu xusnay. Cunto dalka la ga soo saaro iyo in la yeeli waayaa waa isu geeri iyo nolol.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media