Sirdoonka Mossad ee Israel oo laba dal oo Muslim ah ka fulisey howlgal qarsoodi ah & waxa ay raadinayaan

0

(Tel Aviv) 06 Okt 2021 – Qaybta Israel ugu qaybsan Sirdoonka Caalamiga ah ee MOSSAD, ayaa laba howlgal oo qarsoodi ah ka fulisey Lubnaan iyo Suuriya taasoo qayb ka ah qorshe ay waddo xukuumadda RW Naftali Bennett oo doonaysa inay hesho raqdii duuliye Israeli ahaa oo la yiraahdo Ron Arad.

Israel  ayaa wacaalka Arad raadinaysey muddo dheer tan iyo markii dayuuraddiisii lagu soo ridey Lubnaan 1986-kii xilli uu ku jirey howlgal ciidan. Ciidamada Israel ayaa sheegay in Arad ay nolol ku qabteen Amal oo ahaa dhaqdhaqaaq Shiico ah, waxaana la filayaa inay dileen.

Isniintii, RW Naftali Bennett ayaa Aqalka Knesset u sheegay in Mossad ay fulisey 2 howlgal oo ay ku raadinayso wacaalka Ron Arad, kaasoo uu ku tilmaamay howlgal “dhib badan balse ay geesinimo ka muujiyeen”.

Al Arabiya oo xiganaysa ilo qarsoodi ah ayaa faafisay in Mossad ay bishii tagtay howlgal ka fulisey Nabi Sheet, oo ah xaafad Lebanese  ah oo ku taalla dooxada Bekaa, mid kalena laga sameeyey gudaha Suuriya.

DNA ayaa la sheegayaa in laga soo qaaday mayd ku aasnaa xaafadda Lebanese-ka ah, si loo hubiyo inuu ”noqon karo maydkii Arad”, iyadoo ay Al Arabiya intaa raacisay in howlgalka Suuriya lagu soo qafaashay sarkaal howlgab ah oo Iiraani ah oo wax laga waydiiyey Arad kahor intaan lasii daynin.

Warqaadka London kasoo baxa ee Rai al-Youm ayaa isna qoray in Mossad ay sarkaalka Iiraaniga ah u wadday dalka Afrikaan ah oo aan la sheegin markii ay maraanmaraysey.

Israel ayaa ilaa 10 m oo doollar ku bixinaysa wacaalka Arad.

Hadalsame Media