DHEGEYSO: Sweden oo xirfad ku daraysa barashada SFI-ga & nin la diley oo la la’yahay ciddii….

0

(Linköping) 06 Okt 2021 – Waxaa soo kordhaya ardayda ku fashilmaysa dhamaysashada af Swedish-ka la baro dadka soo galootiga ah ee SFI.

Sahan ay samaysay hay’adda Skolverket ayaa lagu ogaadey in 4 ka mid ah 10-kii arday ay dhameeyaan SFI-ga.

Jessica Mattsson, oo maamule ka ah dugsi ku yaal Ludvika ayaa sheegtay inay eegayaan hindise ah in qofka af barashada loogu laro xirfad uu praktik u aado isla bilowga uu SFI-ga dhiganayo.

Dhanka kale, nin 35 jir ah ayaa toogasho lagu diley degmada Lambohov oo ka tirsan magaalada Linköping habeennimadii xalaytoole, taasoo ka dhigan toogashadii 4-aad ee halis ah ee Linköping ka dhacda tan iyo bishii Maajo.

”Ninkan dhintay ma aha mid horay dembi marna loogu xukumay,” ayuu yiri Dennis Johansson Strömberg, oo ah afhayeen booliiska Linköping.

Hadalsame Media