Dayuuradda F-35A Lightning II oo ku guulaysatey tijaabo ah samaynta duqayn nukliyeer ah + Sawirro

0

(Nevada) 06 Okt 2021 – Dayuuradda F-35A Lightning II ee raadaarka ka dhuumata oo lagu wado in sanadka soo aaddan ay markii ugu horreeysey Yurub ka howl bilowdo ayaa qaadday tillaabo muhim ah kaddib markii ay muujisay in laga ridi karo bambooyinka nukliyeerka.

Dayuuradaha F-35A Lightning II oo ay leeyihiin Ciidanka Cirka Cirka Maraykanka ee USAF, gaar ahaan qaybta 495th Fighter Squadron ayaa lagu wadaa inay saldhig ka dhigtaan saldhig ay leeyihiin Ciidanka Cirka UK ee RAF oo ku taalla Lakenheath, UK.

Ha yeeshee, intaanay imanin Lakenheath, ayay 2 dayuuradood oo ah nooca F-35A oo ku sugan saldhigga Nellis Air Force Base, ee Gobolka Nevada, waxay ku guulaysteen tijaabo laga qaaday in ay nukliyeer ridi karaan.

Duuliyeyaasha dayuuradaha tijaabiya ee 422nd Test and Evaluation Squadron ayaa laba jeer ridey “bambooyin lagu misaaley kuwa nukliyeerka oo ah bambooyinka la hago ee B61-12,” iyagoo mar kasta adeegsanayey joog iyo xawaare ka geddisan midkii hore.

Raxanta cusub ee F-35 squadron ee saldhiganaysa Lakenheath ayaa ka koobnaan doonta 27 dayuuradood iyo 60 howlwadeen, sida uu sheegay Lt. Col. Ian D. McLaughlin, oo ah taliyaha qaybtan.

Hadalsame Media