Dad laga qabqabanayo magaalada Hargaysa & cidda ay yihiin

0

(Hargaysa) 06 Okt 2021 – Waxaa weli taagan raafkii aan nidaamsanayn ee lagula kacay dadka kasoo jeeda KG Somalia ee ku noolaa magaalada Laascaanood ee caasimadda Sool.

Warar haatan soo baxaya ayaa sheegaya inuu raaf kale oo guri guri ihi ka bilowday magaalada Hargaysa oo caasimad u ah Maamulka Somaliland oo sheegta inuu ka go’ay Somalia.

Ciidamada amaanka Somaliland ayaa lagu warramayaa inay ururin ku bilaabeen dadka soo galootiga ah ee Itoobiyaanka ah, kuwaasoo loo dhaadhicinayo dalkoodii, sida ay sheegayso warbaahinta maxalliga ihi.

Lama garanayo sirta ka dambaysa raafka ka dhanka ah dadka soo galootiga ah, balse tan ugu darani waa raafka loo gaystey dad Soomaali ah, iyadoo waloow aanay arrintani ugub ahayn marka la eego maamullada umadda kala gaynaya aanay misna jirin mar ay Soomaalidu umad ahaan ugu heshiisey inay is raafto.

Hadalsame Media

Facebook Comments