Xiriirka Talyaaniga ee FIGC oo raacay raadkii Belgium, Germany & Spain (Astaanta Xulka & Xiriirka oo lakala duwey)

0

(Roma) 05 Okt 2021 – Xiriirka Kubadda Cagta Talyaaniga (FIGC) ayaa maanta soo bandhigay astaan ama loogo cusub oo ay sidii caadada ahayd ka muuqdaan shantii xidigood ee hurdiga ahaa ee muujinayey afarta koob adduun ee ay qaadeen Azzurri oo laakiin caddaan ah.

Waxaa astaantan oo maanta lasoo bandhigay naqshadeeyey Italia Independent, oo ah shirkad hal-abuurka ka shaqaysa oo uu MW ka yahay Lapo Elkann, oo ay ilmo adeer yihiin Guddoonka Juventus, Andrea Agnelli.

Waxaa in astaanta wax laga bedelo codsaday Guddoonka Xiriirka FIGC Md Gabriele Gravina, kaasoo sheegay in arrintan looga gol leeyahay tusmaynta isbeddelka iyo casriyaynta ciyaaraha Talyaaniga.

Xiriirka Talyaaniga ayaa raacaya jidkii ay mareen Belgium, Germany iyo Spain, oo ku tillaabsaday inay kala duwaan astaamaha xiriirka iyo kuwa xulka qaranka dalalkaasi oo awal isku mid ahaa, iyadoo uu xulku sii wadan doono astaantii hore (sawirka sare).

Talyaaniga ayaa xagaagan guul heer qaran ah gaarey iyagoo ku guulaystey tartamo badan oo caalami ah, waxaase ugu caansanayd guushii La Nazionale ee UEFA EURO 2020 oo ay ugu dambaysey 1968-kii.

Hadalsame Media