KASHIFAAD CULUS: Xogaha gaarka ah ee 1.5 bilyan oo Facebook adeegsata oo lagu iibinayo Dark Web (Arag caddayntan)

0

(Menlo Park, CA) 05 Okt 2021 – Facebook, Instagram iyo WhatsApp ayaa shalay galab hawada ka wada baxay balse haatan soo laabtay.

Yeelkeede, warar haatan la helayo ayaa sheegaya in xogaha gaarka ah ee 1.5 bilyan oo isticmaale lagu iibiyey domain-ka aan sharcigu ka jirin ee dark web.

Screenshots lasoo dhigay Twitter ayaa muujinaya xogahaa gaarka ah oo ay leeyihiin 1.5 bilyab Facebook adeegsata oo la iibinayo.

Dark Web oo kaliya lagu isticmaali karo browser gaar ah oo la yiraahdo Tor, ayaan si saaxi ah loo ogaan karin xitaa meesha rasmiga ah ee uu qofku uga jiro internet-ka maadaama wareeriso lagu xirayo IP-adress-kiisa.

Waxaa xogahan iibka ah ka mid ah e-mail-lo gaar ah, sawirro lambarro telefoon, lambarrada qofka iwm.

Hadalsame Media