DEG DEG: Somaliland oo ku dhawaaqday magaalada xigta ee ay ka raafayaan ”shacabka koonfurta Somalia”

0

(Hadalsame) 05 Okt 2021 – Waxaa weli taagan dhibaatada aadminnimo ee ka dhalatay tarxiilka dadka masaakiinta ahaa ee Soomaaliyeed ee ku noolaa magaalada Laascaanood, taasoo ah amar ka yimid Maamulka Somaliland.

Yeelkeede, waloow ay tillaabadaasi la kulantay cambaarayn caalami ah iyo mid maxalli ah isla markaana ay aad u dhaliileen dadka waxgaradka ah iyo culimada qaarkeed, Somaliland ayaa haatan caddaysay inay damacsan tahay raaf kale.

Somaliland ayaana muddo 15 beri ah in ay magaalada Ceerigaabo kaga baxaan ku amartay dadka ka soo jeeda wax ay ku sheegeen ”koonfurta Soomaaliya.”

Mucaarad iyo rag maamulka ka tirsan oo horay u hadlay ayaa arrinta horay ugu micneeyey tillaabo amaan, balse Ceerigaabo wax amaan darro ah oo ka jira haatan ma jiraan.

Hadalsame Media