Daalibaan oo lagu eedeeyey inay “laynayaan qoowmiyad gaar ah” (Qoowmiyaddan ayaa waxaa sidoo kale laysa kooxda Daacish)

0

 (Kabul) 05 Okt 2021 – Kooxda Daalibaan ayaa lagu eedeeyey inay laayeen 13 qofood oo u dhashay qoowmiyadda indhayarta ah ee Hazara, kuwaasoo ay ku jirto gabar yar oo 13-jir ah, in yar kaddib markii ay xukunka la wareegeen dalka Afghanistan.

Sida ay sheegayso Amnesty International oo warbixin soo saartay goor dhow, 30-kii Agoosto, kolonyo ka kooban 300 oo dagaalyahan oo Daalibaan ah ayaa galay Degmada Khidr iyagoo markiiba qabtay 11 ka tirsanaa askarta ANSF kuwaasoo ay ku dileen meel webi ah agtiisa.

Waxaa rasaastii ay ku furayeen ragga la diley qaarkood oo isku dayey inay baxsadaan ku dhintay wiil da’yar oo magaciisa lagu koobay Masuma.

Mid kale oo rayid ah oo lagu magacaabo Fayaz, oo weliba ahaa caruus dhowaan guursadey ayay isna rasaastu haleeshay.

Ragga ANSF ka tirsanaa ee ay laayeen ayaa da’ ahaan u dhexeeyey 26-46 jir, kuwaasoo wada ahaa Hazara oo ah qoowmiyad Shiici ah oo sidoo kale tacaddiyo kala kulmay Daalibaanka xukunkoodii hore min 1996-kii ilaa 2001.

Dokumentiyada Amnesty ayaa intaa raacinaya in ugu yaraan 9 kale ok Hazara ay Daalibaanku ku laayeen Gobolka Ghazni bishii Luulyo kahor intii aanay dalka wada qabsan bartamihii Agoosto, sida ku cad dokumentiyada

Daalibaan iyo kooxda Daacishka Khorasaan ee ISIS-K, ayaa labadaba lagu eedeeyey inay ka midaysan yihiin tacadiyada dadka Hazara oo ugu badan dadka Shiicada ah ee Afghanistan.

Daalibaan oo sidoo kale lagu eedeeynayo inay dad badan dhulal ka xoogeen ama guryo ka saarteen ayaa warkan beenisey.

Hadalsame Media