Sucuudiga & Iiraan oo arrin qarsoodi ah isla wada (Xog-siin rasmi ah oo soo baxday & goorta uu xirirkoodu go’ay)

0

(Riyaad) 04 Okt 2021 – Wasiir Dibadeedka Sucuudiga Carbeed, Faisal Bin Farhan, ayaa xaqiijiyey in uu dalkiisu markale wadahadal la yeeshay dalka ay gobolka isku guulguulaan ee Iiraan, iyadoo uu noqonayo kii ugu horreeyey tan iyo markii uu xilka qabtay MW Ibrahim Raisi.

“Wadahadalkii 4-aad waxay dheceen Sebtember 21-keedii, kuwaasoo weli maraya marxalad sahan ah, balse asaaska loogu dhigay in laga xaajood arrimaha labada dhinac.” ayuu yiri Bin Farhan oo saxaafadda la hadlayey mar ay Riyaad ku kulmeen Madaxa Arrimaha Dibedda EU, Josep Borrell.

Saraakiil ka kala socota Sucuudiga iyo Iiraan ayaa dhowr wareeg oo wadahadal ahaa horay usoo yeeshay iyagoo ku kulmayey caasimadda Ciraaq ee Baqdaad, kuwaasoo markii ugu horreeyey la kashifay bishii Abriil.

Saraakiisha Ciraaq ayaa arrintan soo bandhigay iyagoo sheegay inay labada dhinac markale bilaabeen wada hadalkooda, yeelkeede, Tehraan iyo Riyaad midna waxba kama dhihin arrintan, iyadoo aanu Bin Farhan haatan lafteeda sheegin halka uu kulanku ka dhacay iyo heerka wakaaladeed ee kala metelayey.

Xiriirka 2016, ayay Riyaad xiriirka diblomaasiga ah u goysey Tehraan kaddib markii weerar lagu qaaday safaaradda ay ku leedahay Tehraan iyo qunsuliyad ay ku leedahay Mashhad oo ku taalla woqooyi bari, iyadoo ay weerarka soo qaadeen Shiico ka caraysan toogasho ay Riyaad ku fulisey 47 qofood oo uu ka mid ahaa wadaad wayn oo Shiici ahaa oo ay argagixiso ku eedaysay.

Hadalsame Media