Kenya oo ciidan hor leh usoo diray dalka Somalia (Kulan Nairobi ka dhacay)

0

(Nairobi) 04 Okt 2021 – Kenya ayaa kordhinaysa tirada saraakiisha booliiska ee ka tirsan AMISOM ee ku sugan Somalia, sida uu sheegay Kormeere Sare, Hilary Mutyambai, oo tilmaamay in xasilloonida Somalia ay muhim u tahay gobolka.

Ninkan oo hadlayey kaddib markii uu la kulmay Qaybta Qiimaynta Booliiska Howlgallada ee Midowga Afrika ee SAAT oo ay Nairobi isku arkeen ayaa sheegay inay isku afgarteen xoojinta iyo ballaarinta askarta booliiska ah ee Kenya ee Somalia joogta.

Booliiska AMISOM oo qabta howl ay qaban karaan kuwa Somalia ayaa ka kala yimaada dalal kala duwan oo Afrikaan ah min Nigeria, Ghana ilaa Kenya iyo Uganda, iyagoo ilaaliya xarumo dhowr ah.

Kenya ayaa Somalia ka waddey howlo aad uga fog nabad ilaalin tan iyo markii ay xoog iskeed ugu soo gashay 14-kii Oktoobar 2011-kii, iyadoo ku socota howlgal la yiraahdo Operation Linda Nchi, waxayna bil kaddib ka mid noqdeen AMISOM.

Kenya oo sheeganaysa biyaha Somalia oo ay ICJ ka garnaqi doonto 12-ka bishan, ayaa marar badan caddaysay in ay Somalia u joogto daneheeda qaran, iyadoo haatan duqaymo ka wadda meelo ka tirsan Gedo.

Hadalsame Media