WhatsApp, Instagram, Oculus & Facebook oo ka cilladoobey meelo badan oo caalamka ka tirsan + khasaaro dhacday

0

(Menlo Park) 04 Okt 2021 – WhatsApp, Instagram iyo Facebook ayay cilladi ku timi iyagoo ka maqan meelo badan oo caalamka ka tirsan.

Seddaxdan app – oo uu wada leeyahay Facebook, sidaa darteed wadaaga kaabayaal isku mid ah ayaa meelaha qaar ka istaagey in yar kahor 5pm, iyadoo aysan shaqaynayn adeegyo ay ka mid yihiin qaybta wax lagu kala iibsado ee Facebook Workplace.

Dadka ayaa markii ay Facebook booqdaan la kulmaya culays iyo inuu iska wareegayo browser-ku.

Shirkadda Facebook ayaan aalaaba sharraxaad ka bixin cilladahan iyadoo 2019-kii mar ay cilladan oo kale la kulantay ku gaabsatay inay dhibaatadu ka timid “dayactir caadi ah.”

Dhanka kale, waxaa uu khasaare xooggani soo gaarey suuqa saamiyada Facebook iyadoo ay hoobteen saamiyada Facebook.

Hadalsame Media