DAAWO: 2 dhacdo oo naxdin leh oo ka dhalatay raafka Laascaanood (Cidda soo amartay & cuqaal hadashay)

0

(Laascaanood) 04 Okt 2021 – Waxaa weli soconaya raafka wadareed ee loo gaysanayo dad gaar ah oo kasoo jeeda koonfurta Somalia, kuwaasoo mar qura gawaari lagu guray inta lasoo ururiyey.

Oday Dhaqameedyada Gobolka Sool oo hadlay ayaa sheegay in wefdi uu Maamulka Somaliland Hargaysa kasoo diray uu arrintan ku taliyey iyaga oo markii hore loo sheegay inay arrintan ka tala keena laga dul boodey oo aan la sugin.

Dadka la musaafuriyey ayaa la sheegay in lagala haray wixii ay hanti iyo xoolo lahaayeen iyadoo ay qaarkood lahaayeen xoolo nool. ”Waxaan u saarnay guddi ka koobnaa 45 qofood oo arrintan ku howllanayd, balse nalakama war sugin.” ayuu yiri midkood.

Tan ugu darani waa in ciyaal yar yar oo la sheegay inay maqnaayeen xilligii waalidkooda la raafayey ay magaaladii wareegayaan iyadoo laga raafay waalidkood.

”Afar ciyaal ah ayaa xalay la keenay Masjidul Hudaa.” ayuu yiri mid ka mid ahaa odayada Sool oo shir ka hadlayey, isagoo sheegay in mas’uuliyaddaas maalinta Qiyaame la waydiin doono intii ku talisay. Odayada ayay qaarkood sheegeen in xitaa haddii dadkan la musaafurinayo la samayn karey sidan si ka aadminnimo badan.

Waxaa kale oo lasoo werinayaa inay jidka ku foolatay hooyo uur lahayd oo ka mid ahayd dadkii gawaarida la saaray, taasoo lasoo sheegayo inay isku go’day oo ay wada dhinteen iyada iyo ilmeheedii.

Odayada hadlay marka laga soo tago cambaaraynta tillaabada, soo jeedinta in dadkaa xoolohoodii loo dhiibo kama hadal wax kale oo ay maaggan yihiin inay sameeyaan.

Hadalsame Media