”Sidaa idinku taageeri mayno!” – Qadar & Daalibaan oo qoorta iskugu jira

0

(Dooxa) 03 Okt 2021 – Qadar ayaa falal is xigxiga oo ay ku kacayeen kooxda Daalibaan oo ku saabsan ku tumashada xuquuqda aadanaha ku tilmaantay mid “niyadjabd leh” waxayna hoggaanka Daalibaan ugu baaqeen inay Dooxa uga daydaan sida loo dhaqo dal Muslim ah, sida uu yiri diblomaasi sare.

Daalibaan ayaa sameeyey falal badan oo la sheegay inay ku dileen dad rayid ah oo magantooda galay, inay qoryo ku taagaan ama ku garaacaan dadka jidadka maraya iyo inaysan weli si buuxda u fasixin waxbarashada iyo shaqooyinka gabdhaha. Dowladda ay dhiseen ayaa sidoo kale 100% guruubka ka samaysan.

“Ficilladii ugu dambeeyey ee Afghanistan nasiib xumo waa kuwo muujinaya in dhowr tillaabo gadaal loo qaaday.” ayuu yiri Wasiir Dibadeedka Qadar, Sheikh Mohammad bin Abdulrahman Al Thani oo saxaafadda kula hadlayey Doha.

Qadar ayaa ahayd dalkii dhexdhexaadiyey Maraykanka iyo Daalibaan, taasoo keentay in bishii tagtay ay halkaa ka baxaan Ciidamadii NATO, wuxuuse Wasiirku sheegay in aysan Daalibaan ku taageeri karin dhaqamadan ay wadaan.

“Mid ka mid ah tusaalaha ay raaci karaan dalalka Muslimka ihi waa hannaanka Qadar oo ah mid Islaami ah, balse dumarku ragga waa uga badan yihiin shaqooyinka iyo tacliinta sare.” ayuu ku dooday Wasiirka oo sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay in aan la go’doomin Afghanistan.

Yeelkeede, Qadar waxaa shalay ka dhacday doorasho baarlamaani ah tii abid ugu horreeysey, balse hal haween ah laguma dooranin, sidoo kale waxaa aad looga sheegtaa qaabka addoonsiga oo kale ah ee loola dhaqmo dadka xoogsatada ah ee dalkaa ka shaqeeya, waloow ay sanadihii dambe muujiyeen dedaallo aan ku fillayn.

Hadalsame Media