Labadaa sawir waxaa u dhaxaysa 46 sanadood & siyaasado aad u kala geddisan (Akhri waxa ay ku saabsan yihiin oo faahfaahsan)

0

(Hadalsame) 03 Okt 2021 – Waqti haatan laga joogo 46 sanadood gaar ahaan 1974/75-kii waxaa abaar ba’an oo loo bixiyay abaartii Dabadheer ay ku dhufatay Soomaaliya gaar ahaan gobolladii Waqooyi iyo Bartamaha Soomaaliya.

Waa loo gurmaday Waqooyi, dadkii dhibaateysnaa ayaa lala gaaray gurmad deg deg ah, Raashin, dawo iyo dhar, intaa looguma simine dhammaantoo dadkii dhibaateysnaa iyo xoolihii yaraa ee noolaa ee u haray ayaa baabuur waaweyn lagu soo daad intii ka hartay ayaa la soo daad gureeyay oo la soo raray 18-kii Juun 1974/75-kii, waxaana la dejiyay deegaannada Koonfureed, gaar ahaan Bu’aalle, Sablaale, Kuntuwaareey, Baraawe, Cadale, Danwadaagta Dajuuma iwm.

Martidaasi dhibaateysnayd waa loo soo dhoweeyey si heer sare ah, waa loo mashxaradayay, dhulal baa la siiyay, webiyada hareerihiisa ayaana la dejiyay, kuwii beeraleyda ahaa beerashada ayaa la baray, beerro webiyada ku dhowna waa la siiyay, kuwii kalluumeysatada ahaana waxaa la geeyay dhanka xeebaha, kalluumeysigana waa la fahamsiiyay, waxaana la siiyay doomo iyo qalab Kalluumeysi.

Abaartii Dabadheer waxaa waqooyi laga soo raray 120 kun oo qofood, waxaa ka qayb qaatay gurmadkaasi 615 gawaarida xamuulka ah, 24 diyaaradod oo dadka iyo loojistikada lagu daad gureynayay, waxaa dowladdii kacaankuna ay dhistay 16 garoommo diyaaradeed oo yaryar si ay diyaaraduhu ku degi karaan haddii xaalad deg deg ay timaaddo.

Tallaabadaasi walaalaha gobollada Waqooyi lagu soo rarayay waagaa ee ay qaadday dowladdii kacaanku waxay ahayd mid aad loola yaabay oo xitaa waqtigaa ku adkeyd dowladaha horumaray qaarkood, waayo arrintaa waxay u baahnayd kharash, qorshe, dhaqaale iyo awood.

46 sano kaddib waa nasiib darro aad u weyn in walaalaha Waqooyi ay si naxariis darro ah gawaari xamuul ugu soo guraan dad Soomaaliyeed oo ku nool deegaannadooda, kuna tilmaamaan ajaanib ka timid Soomaaliya, dadkan lagu xad gudbay ayaa anacsi iyo xoolo kulahaa deegaannada laga soo musaafiriyay, gaar ahaan Laas Caanood.

Dadkan la soo raafay waxaa ku jiray, dumar iyo carruur, iyagoo aan loo digin, lagu wargelin inay guuraan, hantidoodana ay la baxaan ayaa si xoog ah loo maquuniyay dukaammadoodii, hantidoodii iyo wixii ay lahaayeenna waa laga soo reebtay, taasoo ah dambi taariikhda ku qormaya.

Dhammaan culumada Soomaaliyeed iyo dadka waxgaradka ah ee ku nool Somaliland waa inaysan arrintaan ka aamusin oo ay ka hadlaan, haddii kale waa qorshe la isla ogyahay oo lagu wada faraxsan yahay.

Waxaa Qoray: Yaxye Y. Khasaaro

Hadalsame Media