Falkii Fajiistannimada ku salaysnaa ee shalay Laascaanood ka dhacay imisa magaalo ayaa horay u sameeyey?

0

(Hadalsame) 03 Okt 2021 – Qiirada iyo damiirka ayaa iska horimanaya marka aad is tiraahdo wax ka dheh wixii shalay Laascaanood ka dhacay.

KALIYA waxaa ugub ahaa in dadka deegaanka oo caan ku ahaa midnimada iyo ilaalinta wadajirka ummadda Soomaaliyeed dhaqankaas cunsurka ah laga ag sameeyey.

Bosaso iyo Garowe ayaa wixii shalay oo kale isla dadkaas Soomaaliyeed loogu geystay.

Boorama ilaa iyo Burco ayaa sidaas laga sameeyey.

Laba waa in la kala qaado, midna waa in reer Sool ka jawaabaan midna loogu curur daaro.

Ilaa iyo 2009 maamulka faashiistaha ah ee Hargeisa (SNM) iyo kii la midka ahaa ee Garowe (Waqtigii Faroole) go’aanadaas waxashnimada ah kuma aysan matalin mujtamaca guud ee gobolladaas.

Hala kala sooco dadka iyo hoggaanka maamullada FAASHIISTAHA ah. Halkan ka baro xog ku saabsan Faashism-ka oo ah aragti siyaasadeed oo isir ku dhisan.

MID REER LAASCAANO HAKA JAWAABAAN

Shacabku waa awood, sidee ku dhacday in hortiina uu Ina Kaahin iyo cunsuriyiintii la socday idinku hor qafaashaan waalihiinii idinla noolaa, idinka dhistay magaalada, dhaqaaleheeda kobciyey, gabadhahana idinka qabay, idinna aad ka qabteen?

HAL HALOOGU CUDUR DAARO LAASCAANO

Magaaladaas waxaa isugu yimi dhammaan dadkii laga soo masaafuriyey gobollada kale ee Somaliland iyo Puntland, maanta iqriyaar ma leh oo waxa wajigaas u yeelay waa duruufo u gaar ah, halgan nafsi ah ayey ku jirtaa oo dhawaan guuleysan doona, yaan loo qaban cunsur loo soo dhoofiyey oo aysan talo ku lahayn.

Maalin wanaagsan.

Waxaa Qoray: Maxamed Kaafi

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media