DEG DEG: Xildhibaan hore oo loo badinayo inuu ka mid ahaa dadkii doorashadii weji qarsiga Muqdisho uga qayb galay oo Hargaysa lagu qabtay

0

(Hargaysa) 03 Okt 2021 – Xildhibaan hore Ibraahim Rayte oo ka tirsanaa Golihii hore ee Wakiillada Somaliland ayaa lagu xiray magaalada Hargeysa.

Ninkan ayaa xilligaa kasoo degay Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal, iyadoo aan weli la caddaynin halka uu kasoo duulay.

Yeelkeede, Mr. Rayte ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho oo ay ka socotay doorashada Aqalka Sare ee BFS qaybta Somaliland.

MW Xigeenka Maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici, ayaa beri dhowayd hanjabaad u diray dad foolka qarsanaya oo ka qayb galay doorashadii lagusoo xulay Xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamanka 11-aad ee dalka ku metalaya Somaliland oo leh 11 xubnood.

Dad badan ayaa dhaliilay qaabkan oo ay ku tilmaameen “ludda jecli lafta jecli”, iyagoo ku baaqay in xilalka DF loo dhiibo ciddii ay daacad ka tahay midnimada dalku.

Hadalsame Media