Wiil sabab la yaab leh sun ugu cabey Muqdisho (Arrin uu sameeyey intuusan sunta cabin)

0

(Muqdisho) 02 Okt 2021 – Wiil dhalinyaro ah ayaa la sheegayaa inuu goor dhow inuu sun ku cabey xaafada Sii Sii ee Degmada Dayniile.

Wiilkan oo sababta uu sunta u cabey lagu sheegay jacayl uu gabar kale u qabey ayaa xaaladiisa haatan culus tahay iyadoo loola cararay xarun caafimaad oo xaaladiisa lagula tacaalayo.

Sida xogta lagu helayo, wiilkan ayaa inta uusan sunta cabin kahor xiriir la sameeyay gabadha uu jecel yahay, sida uu sheegay Gacal Ayman.

Sababta uu u wacay ayaa lagu micneeyey inuu fursad kama dambayn ah raadiyo kahor inta aanu sunta cabin, balse waxaa oo la sheegayaa inaysan ka hoos qaadin oo ay ku tiri kelmado aan farxad gelin, kaddibna wuxuu cabey sun.

Hadalsame Media