(Hadalsame) 02 Okt 2021 – Cid walba oo rabta in ay xoog ku gaarto danaheeda siyaasadeed waa cid u bareertay in ay burnuriso oo meesha ka saarto Dawlad Goboleedka Galmudug oo ah dawlad leh dastuur, xeerar iyo heshiisyo qoran oo dadka reer Galmudug ku heshiiyeen. Dabcan waxaa jira tabashooyin badan laakiin aan marnaba marmarsiinyo u noqon karin weerar iyo guluf colaadeed Galmudug lagu soo qaado.
Waa run kooxdaani ayaga oo dhintay ayaa hoggaan xumada Qoorqoor iyo hagardaamaya Farmaajo fursad siiyeen balse Galmudug waa ka wayn tahay Qoorqoor iyo Farmaajo jiritaankeedu na ku ma eka inta Qoorqoor iyo Farmaajo joogaan.
Sababahaas daraaddood waxaa Raisul Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble iyo xukuumaddiisa la gudboon in ay si deg deg ah ugu gurmadaan oo ciidan ugu diraan Galmudug dib na gacanta maamulka loogu soo celiyo deegaannada ay qabsadeen kooxda u soo tafaxaydatay burburinta Galmudug.
Jiritaanka Galmudug waa daruuri aan cid laga gorgortamayn.
Waxaa Qoray: Cali M Diini
FG: Qoraal walba wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan
Hadalsame Media