Raaf ka dhan ka ah dad shacab ah oo ka socda Laascaanood (Nin halyeey qaran ah oo halkaa lagu sumcad dilayo)

0

(Laascaanood) 02 Okt 2021 – Maamulka Somaliland ayaa howlgal qorsheysan oo raaf ah oo ay wadaan Ciidamada Booliska ka bilaabay xaafadaha Degmada Laascaanood oo laga xukumo Gobolka Sool.

Howlgalkan oo si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo dad lagu sheegay qaar ”ka soo jeeda deegaan ahaan koonfurta Somalia” ayaa waxaa lagu raafay dad halkaa ku lahaa meherado ganacsi, sida ay sheegayso saxaafadda maxalliga ihi.

HALKEE DADKA LA GEEYEY? Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo saxaafadda maxalliga ah ayaa tibaaxaya in dadkaa la geeyey Garoonka Kubadda Cagta Cabdi Bille Cabdi oo ku yaalla isla magaaladaasi Laascaanood oo haatan aanu si saaxi u socon ganacsigii magaaladu.

In dadkan oo aanu jirin sharci dhigaya in umad ahaan, gobol ahaan amaa reer ahaan loo beegsado misna lagu xareeyo garoon sita magaca Halyeey Qaran oo Soomaaliyeed ayaa lafteedu sumcad dil ku noqonaysa Cabdi Bile oo ah nin qaran.

Waxaa kale oo aan jirin wax barwo ah oo ay sitaan, go’aan maxkamadeed ama war kasoo baxay dadka aminiga ugu qaybsan Maamulka Somaliland oo ku saabsan sababta raafkan ka dambaysa, waloow ay dadka rayidka ah oo ay ku jiraan kuwa kasoo jeeda Laascaanood ay cambaareeyeen falkan, iyagoo soo jeediyey in dhaqse loo joojiyo.

Dad badan ayaa tillaabadan ku tilmaamay mid loogu raad gadayo dad dhowaanahan halkaa lagu dilayey oo la doonayo in eeddooda si wadareed loo saaro dadka haatan la raafay, taasoo noqonaysa tillaabo aanay mas’uuliyadi ku dheehnayn.

Hadalsame Media