“Ma waxaa jira dembi lagu heli karo 700 oo qof?!” – Dood ka taagan raafka Laascaanood

0

(Hadalsame) 02 Okt 2021 – Dadka Laascaanood laga tarxiilayo, wakhti ay ku diyaargaroobaan aan la siin, sida cadna hantidoodii lagala hadhay, maxaa laga faa’idayaa aan ceeb iyo cadho Eebbe ahayn?

Ma dembi baa lagu heley 700 oo qof oo qoysas ah? Ma sharci bay jebiyeen oo markii hore ayay ogolaansho la’aan iyo dhuumaalaysi kujoogeen magaalada? Maxay se kuwa Laascaanood kunool ee Koonfur Galbeed kasoo jeeda kaga duwanyihiin kuwa Boorame, Hargeysa, Ceerigaabo iyo Burco jooga? Illeen waa isku sharci oo nidaam isku mida ayaa ka wada taliyee?

Dadka deegaannada Koonfur Galbeed kasoo jeeda sidoodaba waa in ay dhulkooda dhistaan, ma mudna mana geyaan in maalinba meel laga soo tarxiilo, oo mushkilado aan shaqo ku lahayn lala doonto, mid kastarna marmarsiiyo ka dhigto.

Dhul qaniya oo beeraley, qurux badan oo barwaaqaa ayaad leedihiin Ilaahay ha idinku amaansado dhista oo nabadeysta lana shaqeeya dowlad goboleedkiina, waad guuleysan doontaa Inshaa Allaah.

Haloo fududeeyo qoysaskaa iyo carruurahoodaba sidii ay u saldhigan lahaayeen, gaar ahaanna Puntland iyo reer Garoowe ha tusaan in aanay Ajnebi iyo shisheeye ahayn oo ay ciidoodii joogaan.

Waxaa Qoray: Hal-abuur Khaliif F. Xayir

Hadalsame Media