Hal arrin oo guurka ku saabsan oo ay Soomaalidu eeddo kaddib marka ay samayso

0

(Hadalsame) 02 Okt 2021 – Waa 34 sano jir. 4 gabdhood iyo 3 wiil oo isaga ka yar waa ay guursadeen, carruur ayaana u joogto. Saaxiibbadii ay isku xaafadda ahaayeen iyo kuwii ay dugsiga, iskuulka iyo jaamacadda isla soo dhigteenna waa ay guursadeen. Isbitaalka uu xisaabiyaha uu ka yahayna wuxuu ku arkaa dadkii ay isla soo koreen oo carruurtooda iyo xaasaskooda isbitaalka keenaya, si loo daweeyo.

Intaas waxaa u dheer, waxa ugu badan ee la waydiiyo waa: ma guursatay? Goormee guursanee? Maxaa u guursan la’dahay? Hooyadiisna kama daasho in ay u sheegto in ay jeclaan laheyd in ay ifka ku aragto carruur uu isagu dhalay. Maandhow aan kuu duceeyee guurso. Hooyo maxaa ku helay? Gabar haddii aadan haysan ee aan annagu kuu keenno? Abti hebel gabar fiican ayaa u joogto ee maandhow ka wardoon ayay mar kasta hooyadiis ku dhahdaa.

Su’aalahaas cadaadis iyo buuq ku furay ayaa ku qasbay in uu qaato go’aan guur ah oo uusan wax badan ka fikirin. Gabar ayuu baadigoob u galay. Saaxiibkiis ayaa walaashiis baray, asbuuc kaddibna guur ayay ku heshiiyeen. Cadaadiskii saarnaa iyo wanaaggii uu saaxiibkiis ku yaqaannay ayaa ka indhatiray in uu gabadha iska fiiriyo oo uu saaro halbeeggii uu gabadha ku qiimeyn jiray.

Aroos degdeg ah oo uu deyn badan ku galay ayuu dhigtay. Bil farxad iyo nolol macaan ah ayuuna xaaskiisa guriga kula qaatay, maadaama uu shaqada fasax bil ah ka soo qaatay. Bishii arooska iyo dhaldhalaalka aheyd ayaa laga baxay, shaqadiisii ayuuna ku laabtay.

Waa nin reer yeeshay oo safar dheer billow u yahaye, wuxuu ku fikiray in uu noloshiisa ka bedelo wax badan oo ay shaqadiisu ugu horreyso. In uu iskiis u shaqeysto oo shaqaalannimo ka baxo ayuu go’aansaday. Waa halgan iyo go’aan adag oo sabar iyo adkeysi u baahane, xaaskiisa ayuu ka tala geliyay, si ay ula ogaato, uguna gacansiiso.

Wacyigeeda iyo talooyinkeedii kuma qancin, in ay ka hooseyso halkii uu ka filayay iyo halbeeggii uu gabdhaha ku qiimeyn jiray ayuuna ku baraarugay. Intaas waxaa uga sii daran waxyaabaha ay mar kasta kala hadasho oo uu licibsaqiir iyo maalaayacni u arko. Weligiis wuxuu ku fikiri jiray in uu guursado gabar wacyigeeda iyo garashadeedu sarreeyaan oo garab ku siiso halganka nolosha, waxaase hadda u muuqato in uu riyadaas ku hungoobay. In uu xulashada gabadhaan ku qaldamay oo uu dhiiqo lugaha la galay ayay naftiisu ugu sheekeysay.

Waa nin aan qanacsaneyne, dhaqankiisa iyo hadalladiisa ayay ka garatay in ninka wax weyn iska bedeleen. Tuhun ayaa galay oo naago kale ayay uga shakisay. Dabagal joogto ah iyo su’aalo yoolbaar ah ayayna la dabadhigatay.

Xaaladdaas ayay uur ku qaadday. Intii ay wallaca ahayd ayay ugu darnayd oo nolol qallafsan oo dacwo iyo dagaal ah ayay galeen. In ay tahay xaalad wallaca ah ku eg ayuuna isku qanciyay. Waa dhashay, wiil ayayna ku curatay, balse dagaalkii, warxumadii iyo dabagalkiina weli waa halkoodii oo waxba iskama bedelin.

Noloshaas adag ayaa ku qasabtay in uu gurigiisa naco. In uu furo oo uu raadsado gabar leh tilmaamihii uu ku riyoon jiray ayuu ku fikiray, waase u cuntami waysay, oo wuxuu ka walwalay mustaqbalka wiilkiisa haddii uu hooyadiis furo. Jacayl ma jiree, danta wiilkaada ka fiirso ayuu is yiri. In uu la guursado naag labaad oo uu ku nafiso ayuu xal u arkay, balse jaabkiisa iyo duruuftiisa dhaqaale ayaa u diiday oo weli wuxuu bixiyaa deyntii uu guurka ku galay.

Noloshaas ayuu manta ku jiraa ninkii weligiis ku riyoon jiray nolol qurux badan iyo gabar dhisan oo u kaashado halganka nolosha. Xaas nafta kula qeybsata oo halganka nolosha garab iyo gacal kuugu noqoto ayaad ku riyoon jirtay ee maxaa tan qoorta kuu geliyay ayuu mar kasta isweydiiyaa! Ninkii farxadda iyo kaftanka badnaa hadda fikir iyo isla hadal ayaa ka soo haray. Gabadhuna wax eed ah kuma laha oo isaga ayaa si indhala’aan ah u doortay, gef iyo godob ayuuna ka galay oo nin aan ku qanacsaneyn ayay la nooshahay.

Wiilkaan guurka ku sii jeedow ka fiirso go’aanka aad qaadaneyso oo haku saamoobin hadallada dadka oo dhiiqo lugaha kuu gelin kara. Ka fiirso doorasadaada xaaskaada oo si fiican u xulo gabadha aad u doorayso in ay hooyo u noqoto carruurtaada ee aad rabto in aad la qaadato inta nolosha kaaga dhimman.

Gabaryahey adiguna ka fiirso ninka aad dooranaysid. Garashadaada kaliyana haku kalsoonnin ee Alle waydiiso in uu ku haleeshiiyo qof aad mahdiso oo adduunyadaada iyo aakhiradaada kuugu kaalmeyso.

Waxaa Qoray: Xuseen Sabriye

Hadalsame Media