Dadkii wejiga qarsaday doorashadii Xildhibaannada Maamulka Somaliland oo hanjabaad la kulmay

0

(Hargaysa) 02 Okt 2021 – MW Xigeenka Maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil, Saylici, ayaa hanjabaad u diray dad foolka qarsanaya oo ka qayb galay doorashadii lagusoo xulay Xildhibaannada Aqalka Sare ee Baarlamanka 11-aad ee dalka ku metalaya Somaliland oo leh 11 xubnood.

Dadkan is qarinayey ayay horay dad badani dhaliileen hab-dhaqankooda, maadaama ay taasi duraysa sharciyadda iyo daah-furnaanta doorashada lafteeda.

Saylici ayaa haatan sheegay in mooshin ama hindise sharciyeed cusub laga keeni doono dadkaasi oo uu sheegay inaysan ka ducaysan Somaliland isla markaana aan la aqbali doonin tillaabada ay qaadeen.

“Cabdi kama qabno nidaam ka jira dhowr KM oo ay beesha caalamku ilaaliso, dadkaa 20-ka ah ee annaga naga gadoodayna nama metelaan oo Somaliland ma dirsan,” ayuu yiri Saylici.

“Kuwa wejiyada qarsaday naguma soo noqon karaan berri. Waa dembiilayaal qaran, marka yaynaan arag dad reer Somaliland ah oo qaylinaya marka xabsiga la dhigo.” ayuu raaciyey.

Wuxuu MW Xigeenku intaa raaciyey inuu la yaabban yahay QM oo sharciyad siinaysa in 20 iyo 30 qof oo Afisyooni lagu doortay ay metelaan Somaliland, iyadoo uu warkiisu ku fooggan yahay James Swan, Ergayga QM, oo doorashada ka qayb galay.

Somaliland oo sheegtay inay Somalia ka go’day 1991-kii, ayaa dhowaan qabatay doorasho ay ka codeeyeen ilaa 1,000,000 oo codeeyey taasoo lagu doortay 82 fadhi oo Baarlamanka ah.

Hadalsame Media