AC Milan & Inter Milan oo markii ugu horreeysey taariikhda todobaadkan aanay midkoodna ku dheelayn San Siro + Sababta

0

(Milano) 02 Okt 2021 – San Siro ayaa si hordhac ah loogu xirey nus-dhamaadka Nations League oo Arbacada soo aaddan lagu bilaabayo Italy vs Spain, halka Khamiista xigta ay garoonka Juve ee Allianz ku dheelayaan Belgium vs France.

Weligeed taariikhda horay uma dhicin in AC Milan iyo Inter ay hal todobaad-ciyaareed oo horyaalka ah ama tartan kale sida kuwa Yurub ay ka wada maqnaadaan garoonka San Siro oo ka dhexeeya.

Inter Milan ayaa caawa fiidkii u martiyi doonta kooxda Sassuolo, halka AC Milan ay isla xilligaas oo kale habeen dambe fiidkii ay iyaduna jirto guriga Atalanta Bergamo.

Tillaabadan ayaa waxaa codsatay UEFA oo sheegtay inay si hordhac ah ugu baahan tahay Guiseppe Meazza, balse Maamulka Lega Serie A ayaa arrintan saxaya wareegga 2-aad ee horyaalka oo ay labada kooxiba todobaadkan gurigooda ku ciyaarayaan, waxaana lagu fakanayaa in wareegga 2-aad (retorno) ee Serie A-du aanu sanadkan iskugu xigi doonin sida midka 1-aad ee Andata-da.

Hadalsame Media