Qiimayn lagu sameeyey madaxda ugu ”MUSUQA badan” Afrika (Somalia halkee ka gashay?)

0

(Hadalsame) 30 Sebt 2021 – Somalia ayaa sanad kasta kaalinta 1-aad ka gashay taxa dalalka ugu musuqa badan dunida oo idil, balse bogga Global Corruption Tracker ayaa faafiyey 10-ka hoggaamiye ee ugu musuqa badan qaaradda Afrika.

Waxaa kaalinta 1-aad lagu qoray MW Somalia, Md Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasoo markii uu soo baxayey wadey halkudhegyo siyaasadeed oo musuq diid ahaa, balse isaga laftiisu ku kacay musuq badan.

Waxaa musuqaas ugu dambeeya midka haatan lagu soo saarayo Xildhibaanno lagu kharash garaynayo hantidii umadda oo hadhoow la doonayo inay doortaan isla Madaxwaynaha, kuwaasoo aysan Madaxtooyadu la gabban.

Waxaa sidoo kale musuqa loo bixiyaa qaabka loo yaqaan ”speso politico” oo ah in qof ama qofaf la siiyo si looga gaaro ajende siyaasadeed iyo mid kale oo lagu laaluusho warbaahinta madaxa bannaan iyo ashkhaas caan ah si ay u faafiyaan warar gaar ah oo loo dhiibey.

Waxaa kaalimaha 2-aad iyo 3-aad kala galay madaxda Suudaanta Koonfureed iyo tan woqooyi ee hoos ka eeg….

FG: Qoraalkani waa sida uu qabo Global Corruption Tracker oo qura.

Hadalsame Media