Maxaadan ogayn oo ay Midowga Yurub ka wadaan xeebaha Somalia (Dalal qayladhaamiyey)

0

(Muqdisho) 30 Sebt 2021 – Midowga Yurub ayaa lagu eedeeyey laba wejiilenimo iyo inaysan raacin xeerarka caalamiga ah ee kalluumaysiga marka ay ku sugan yihiin Badwaynta Hindiya oo ay ka jillaabtaan kalluunka aadka loo jecel yahay ee Tuuna, gaar ahaan nooca loo yaqaan Waafyo-jaalle ama ”Yellowfin”.

Dalalka EU oo ay ugu daran yihiin Spain iyo France ayaa la sheegayaa inay ku howlgalaan “raxan maraakiib ah” oo gaaraysa 43, iyagoo 2019-kii oo qura Badwaynta Hindiya ka jllaabtey 70,000 oo tan oo ah kalluunka yellowfin, taasoo ka badan inta ay dabteen dalal ay qaarkood ku dhex yaallaan Badwaynta Hindiya ama u dhow yihiin sida Iiraan (58,000 tan), Sri Lanka iyo Maldives (44,000 tan midkiiba).

Maraakiibta EU ayaa sidoo kale kalluumaysiga u adeegsada nidaamka sharci darrada ah ee loo adeegsado “fish-aggregating devices” (FADs), kaasoo ah walxo sabbaynaya oo abuuraya hoos kalluunka lagu sirayo oo keenaya inay raxan raxan u yimaadaan, taasoo keenaysa in kalluun aad u badan lagu qabsado muddo yar iyo dadaal aan badnayn.

waxaana ugu daran in kalluunka sidaa lagu qabsanayo ay ka mid yihiin kuwa yar yar ee aan weli tarmin.

Dalalka yar yar ee jasiiradaha ee Maldives iyo Seychelles ayaa haatan hadlay iyagoo Midowga Yurub ku eedeeyey “munaafaqad iyo inay u dhaqmayaan sidii gumaysi cusub”, sida ay sheegeen madaxda Seychelles. Maldives ayaa iyadu EU ku eedaysay inay diiddan yihiin “tillaabooyin lagu wanaajinayo waaritaanka Tuunnada Waafyada Jaallaha ah leh”.

Dalkeenna Somalia oo ka mid ah dalalka saamiga ugu ballaaran ka haysta Badwaynta Hindiya iyada cidinaba isma waydiiso waxa ka socda xeebeheenna marka laga reebo lacago laaluush oo kale ah oo aan cidna is waydiin oo la siiyo madaxda DF iyo Maamul-goboleedyada, iyadoo aanay jirin ciidamo ilaaliya xeebaha dalka iyo wax sharciyayn ah oo Somalia uga degsan qaababka kalluumaysi ee xeebeheeda dayacan.

Midowga Yurub ayaa ciidamo ballaaran usoo diray xeebaha Somalia iyagoo sheeganaya inay ka ilaalinayaan ”burcad badeed”, balse runtii ilaaliya raxanta kalluumaysiga sharci darrada ah halkaa ka wada.

Hadalsame Media