Ma kula tahay inay Somalia joogi karaan madax sare oo JAWAASIIS ah?! (Akhri sheekadan)

0
6S2A8662.CR2

(Hadalsame) 30 Sebt 2021 – WAA KEE MAS’UULKA LOO SHAQAALEYSIIYAY INUU DALKIISA JAAJUUSO?!!

Waa sarkaal sare oo wasaaradeed. Wuxuu saaxiib la yahay Jaajuus ka tirsan CIA-da Mareykanka oo ay isku barteen ku dhex jirka madaxda sarsare ee dalka.

Ujeeddada Jaajuuska Mareykanka ah waxay ahayd inuu qof la shaqeeya oo xogaha u soo gudbiyo uu ku yeesho dowladda dhexdeeda, qofka ugu uu u arkay inuu ugu nugul-yahayna wuxuu u arkay Bilal oo wasaarad ka mid ah wasaaradaha boos muhiim ah ka hayay.

Bilal kama warheynin hagardaamada ninkan CIA-da Mareykanka ka tirsan.

Muddo ayaa la daajinaayay, illaa ay noqdeen saaxiibbo aad isugu dhow. Wuxuu si caadi ah oo aan tuhun lahayn kala sheekeysan jiray xaaladah dalka, musuqa iyo sida uu isbeddel u keeni kari lahaa haddii uu awood u heli lahaa. Wuxuu ogaaday in Bilal uu wasaaradda howl muhiim ah ka hayo, dad howsha uu hayo oo kale haya ama isagu uu ka muhiimsan yahayna lagu dallacsiiyo waxa uu isagaba joogto u qabto.

Jaajuuska wuxuu go’aansaday inuu Bilal isku sheego, wuxuuse marka hore si tijaabo ah u weydiiyay inuu la shaqeyn lahaa CIA-da.

Jaajuuskii markii uu isku sheegay ee uu ka naxay wuxuu Bilal ku qanciyay oo uu ku yiri: “Waan ku ilaalinayay…kuuma sheegi karin cidda aan ahay…..diyaar uma ahayn inaan culeys ku saaro si aad ammaankeyga u sugto.” Balse waxaan ahay sarkaal CIA-da ka tirsan. Shaqadeyda waa ururinta xogaha qarsoon ee uu Mareykanka u isticmaali karo si uu sida ugu habboon u taageero xasilloonida, barwaaqada iyo amniga dalkaaga. Xogaha uu dalkaaga u arko sirta isagoo ka baqaya inuu ku ceeboobo.”

Jaajuuskii isagoo ka cararaya inuu Bilal dareemo inuu been u sheegay oo uu ka qariyay aqoonsigiisa CIA-da ayuu danaha dalkiisa aad ugu mashquuliyay, si uu kalsooni dheeri ah ugu sii helo isa soo bandhigiddiisa, wuxuuna meesha ka saaray danihii dalkiisa Mareykanka ee uu howlgalka ugu jiro.

“Ujeedka Mareykanka waa naxariis…xitaa saaxiibbada way u baahan yihiin inay xaqiiqada isu sheegaan, xumaan ama samaan, si ay isu caawiyaan. Waana halkaas meesha aad gacan ka geysan karto.” ayaa Bilaal lagu uur-jileecsaday, si loo dajiyo.

Bilal si taxaddar leh ayuu hadalka u dhuuxayay…walow uu ahaa qof furfuran, haddana hadalka Jaajuuska kama falcelineynin, wuxuu eegayay indhihiisa, eray kasta oo uu yiraahdana dareen ayuu ku kordhinayay.

Jaajuuskii wuxuu hadalkiisa raaciyay: “Aqoonta hoose ee aad u leedahay dalka iyo awoodda dalka cadowga idinku ah iyo gobolka oo dhanba iyo taageerada Mareykanka lagama mahadiyo halkan, sida aad ii sheegtay. Balse, gacan ka geyso inuu Mareykanka aad u fahmo iyo inuu awood u yeesho si uu hannaan waxtar leh uu gacan uga geysto xasilloonida, una dhimo yareysashada qatarta, taas oo cid kasta ay dhibaato ka soo gaari karto.”

Waxaa lagu yiri: ” Shaqadan waa tan haddaba aad heyso iyo sababta aad u heyso. Si aad isbeddel u sameyso. Waxaad naftaada u horseedaysaa sharaf -dhac iyo qatarro, adigoo dareennada runta ah si adag isugu koobaya, una ciyaaraya madaxdaada iska dhigeysa inay isbeddel sameynayaan.”

Hadalkaas Bilal wuu taabtay. Shakiyo uu amnigiisa iyo amniga qoyskiisa u qabay ayaa laga shaafiyay, kaddibna wuuna aqbalay inuu CIA-da la shaqeeyo, xogaha xasaasiga ah ee dalkiisana uu dhoofiyo.

Sheekadan waxaan ka soo koobay Buugga uu qoray Douglas London oo ah Jaajuus howlgab ah ee CIA-da ka tirsanaa muddo 34 sano ah. Wuxuu ka qoray shaqadii ugu horreysay ee ahay inuu CID-da u qoro jawaasiis xogaha uga soo gudbiya dalalka Bariga Dhexe, gaar ahaan carabta.

Buuggaas markaan aqriyay waxaa ii sawirantay sida dalkeenna ay u buuxaan jawaasiis dalal kale u adeegaya, balse sida Bilal loo qurxiyay ujeedka, loona sawiray in xogaha ay bixinayaan loogu adeegayo dalkeenna, amnigeenna iyo horumarkeenna.

Annagana maalin kasta jawaasiistaas la siray ee lagu adeeganayo ayaan kala taageernaa, annagoo midba kan kale ku tilmaameyna inuu dowlad kale u shaqeeyo, balse moog in sida bilaal loogu shaqeysto, iyagoo is moodaya inay dalka iyo dadka badbaadinayaan.

W;Q: Tahliil Colaad

Hadalsame Media