Weriye Turki ah oo sheegay inuu tegey “halka ugu fiican Somalia!” (Waa halkee?)

0

(Muqdisho) 28 Sebt 2021 – Weriyaha Turkiga ah ee Umut Cagri Sari oo aalaaba aad wax uga qora Bariga Afrika ayaa Muqdisho tegey.

Weriyahan oo sidoo kale aad u dhiirri geliya xiriirka sii ballaaranaya ee Turkiga iyo Somalia ayaa sheegay inuu tegey meel uu u arko inay “ugu fiican tahay Somalia”, sida uu qabo.

Wuxuu baraha bulshada soo dhigay sawirka isaga oo fadhiya Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho oo laga helo layrta naqiga ah ee Badwaynta Hindiya iyo cunto badeed daray ah.

Ma aha wax sir ah in ay Somalia leedahay xeebo ku fiican dalxiiska balse waxaan jirin garasho ay dadku woxooda uga faa’iidaystaan.

Hadalsame Media