“Ninkayga nafta ayaan ku dhibi jirey balse waxaan jili jirey inuu iga gardaran yahay balse maxaa iga raacay?!” – Qiso dhab ah

0

(Hadalsame) 28 Sebt 2021 – “Waxaan jiraa 38 sano. Aniga iyo ninkeygii hore waxaan wada soconnay 6 sano. Aniga oo 19-jir ah ayaan is barannay. Saaxiibbo isku dhinto ayaan aheyn. Waan is guursannay, waxaana kala helnay wiil 13 jir ah.

Waan kibir badnaa oo waxaan ninkeyga ka diidi jiray in uu i xakameeyo oo aan hadalkiisa qaato. Sababtaas ayuuna iigu kici jiray. Mar kasta oo aan isku dhacno waxaan aadi jiray guriga hooyadey, waxaana cidda u sheegi jiray in uu i soo xumeeyay. Kaddibna gabdhaha ila dhashay ayaa wici jiray, oo canaanan jiray ninkeyga! Mar kasta oo uu isku dayo in uu i xakameeyo waxaan ka dalban jiray in uu i furo. Balse marnaba furriin ma rabin, ee booto ayay iga aheyd, waxaanse rabay in aan is adkeeyo oo uusan jiljileec iga dareemin.

Maalin ayaan ninkeygii u gacanqaaday, asuu i dilay. Ciddeyda ayaana aaday. Qoyskeyga ayaa booliska ku dacweeyay, waana la soo xiray. Qoyskiisa ayaa iga codsaday in aan xabsiga ka soo daayo, waana ka aqbalay. Ninkeygu ma dhib badneyn. Mar kasta aniga ayaa jilayay in uu isagu i dulmiyay, balse xaqiiqadu waxay aheyd in aan isaga nolosha ku dhibay oo aan dareenkiisa dhaawici jiray.

Seddax bil kaddib ayaan arrin yar isku qabannay, guriga hooyadey ayaana soo aaday. Labo maalin kaddib waxaa la ii soo sheegay in uu isbitaal ku jiro. Qoyskeyga ayaa igula taliyay in aanan isbitaalka ugu tegin, oo aan naag adag iska dhigo, gabdhaha ila dhashayna waxay igu qanciyeen in uusan xanuuneyn oo ay jilliin ka tahay.

Asbuuc ayuu isbitaalka ku jiray, markii uu ka soo baxay waxaa i soo gaartay in uu gal furriin ah maxkamadda ka furtay. Anigu furriin ma rabin, waxaana isku deyay in aan ka hortago, balse naag adag ayaan iska dhigayay oo kama codsan karin in uusan go’aankaas ka laabto. Waan wacay, waxaana u sheegay in aan jahannamo ku jiray intii aan isaga la noolaa, si uu ii tuugtuugo oo furriinku u baaqdo.

Maxkamaddii ayaan isla tagnay, waxaana dalbaday in lacagtiisa na loo qeybiyo, si ay lacagtaas u xanuujiso, kaddibna uu furriinka uga laabto. Waxaanse yaabay markii uu maxkamadda u sheegay in uu xitaa diyaar u yahay in uu lacagtiisa dhan aniga la i siiyo, si uu ii furo.

Waxaan kala tagnay Luulyo 2009. Hadda ninkeygii hore naag kale ayuu qabaa, halka aan anigu nolosheydii ku ciyaaray. Qoyskeygu waxay igu xantaan in aan ahay naag xun oo aan dhaqan rabin. Aniga iyo wiilkeyguna waxaan hadda ku noolnahay biil yar oo aan isagu ka helno.

Gurigeygii soo dumiyay, cashir ayaana ka bartay. Waxaana rabaa in aan halkan farriin ugu diro gabdhaha la qabo oo aan jabkeyga la wadaago. Abbaayo ka fiirso dadka aad talada ka qaadanayso.

Yaan lagu sirin oo guriga lagaa dumin. Dadkii shalay ninkeyga igu diri jiray ee sababta u ahaa in uu i furo ayaa maanta dadka iigu daran, oo waxay meel kasta ka sheegaan in aanan dhaqan rabin. Kibir, madax-adeyg iyo is adkeys ayaa gurigeygii dumiyay, adigana waxaan kaaga digayaa godkaas aan anigu ku soo gubtay.

Inta badan nimanku khalad kuma laha furriinka, ee annaga ayaa ka dalbanno, waxaana sababo madax adeygga nagu jiro iyo dadka aan la tashanno oo aanan ka helin talo fiican. Waxa aad rabto u sheego ninkaada, balse furriin ha ku gorgortamin adigoo aan furriin rabin. Digtoonow abbaayo oo si xikmadeysan u dhaqo gurgigaada.

Guurkaadu waa noloshaada iyo mustaqbalkaada ee ehelkaada iyo asxaabtaada ha u ogolaannin in ay soo farageliyaan ee adiga iyo ninkaadu adinka ayaa is doortay ee si hoose u xallista mashaakilkiinna.”

Gabar ayaa sheekadaan ku daabacday dailyfamily.ng.

Waxaa Tarjumey: Xuseen Sebriye

Hadalsame Media