“Dad baa daaqadaha ka boodey!” – Qarax ka dhacay Gothenburg & gurmad culus oo socda + Video

0
GÖTEBORG 2021-09-28 En stor explosion har inträffat vid ett flerfamiljshus i Annedal i centrala Göteborg. Foto BJÖRN LARSSON ROSVALL / TT / Kod 9200

(Gothenburg) 28 Sebt 2021 – Qarax wayn ayaa ka dhacay xaafadda Annedal ee Göteborg iyadoo tobannaan qofood ayaa isbitaalka loo qaaday, kuwaas oo 3 ka tirsani ay si xun u dhaawacan yihiiin, sida uu faafiyey SVT.

“Waxaannu badbaadinney boqollaal ruux, dad baa se xitaa daaqadaha ka boodey,” Ayuu yiri Jon Pile, madaxa heeganka ee Guutada Gurmadka.

Waxaa dhacday gubasho ka bilaabatay qarax ka dhacay xaafadda Annedal ee faras-magaalaya Göteborg wuxuuna dabku ku fidey guri 3 dabaq ah, sida ay sheegtay Ingrid Fredriksson, afhayeenka isbitaalka wayn ee Sahlgrenska.

“Waxaa ugu daran 3 haween ah oo da’da 60, 70 iyo 80-meeyada kala jira.” Ayay raacisay Ingrid Fredriksson.

18 qof ayaa guud ahaan goobta bas looga qaaday si loo hubiyo iyadoo ay 10 ka tirsani isbitaal u baahdeen.

Halkan daawo…

Hadalsame Media