Wiil yar oo inta bajaaj looga yeerey kaddib lala cararay (Arag sawirkiisa lana xiriir…)

0

(Muqdisho) 27 Sebt 2021 – Wiil yar ayaa la sheegayaa in nin Bajaajle ah iyo haweeney la socotay oo indho shareerani ka dafeen agagaarka masaajidka Rabbi Salli ee Degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho.

Waqtiga uu falkani dhacay waa saakay waxaana dhibbanaha la afduubtay oo ah wiil yar (arag sawirka) lagu magacaabaa Cabdullaahi Cismaan Xaaji.

Wiilka yar ayaa markii la dafayey waxaa la socdey walaalkiis Maxamed oo 7-jir ah, waxaana dhacday haweeneydu uga dhex yeertay Bajaaj ay wateen.

Deeto markii ay u tageen waxay dafeen wiilka yar ee sawirka idinkaga muuqda sida uu sheegay Maxamed Yare oo isagu badbaadey.

Lama yaqaan haweeneyda wadatay cunugga yar iyo halka ay la aaddey waxaana hooyada dhashay illaa hadda ay la murugeysan tahay xaaladda wiilkeeda maqan.

FG: Waxaa shacabka Soomaaliyeed laga codsanayaa inay ka qayb galaan baadigoobka wiilka yar, ciddii aragtaana halla soo xiiiriso Tel. No 0615231134, 0615518123, iyo 0615730230.

Hadalsame Media