Yaa dumiyey dowladnimada Somalia maxay se yihiin sababaha ugu waawaynaa burburka? (3 qodob oo muhim ah)

0

(Hadalsame) 26 Sebt 2021 – Waxaan arkaa dad mar walba ku eedeynaaya Reer Muqdisho dagaalkii sokeeye, burburka nidaamkii dalka ka jiray iyo muddadii dheereyd ee dowlad la’aanta la ahaa.

Malaha aragtidoodaa gaaban. Malaha runta wey og yihiin ee weysan qireyn. Malaha wexey u heystaan inuu dagaalkii sokeeye ka billowday Hotel Daameey iyo jidka wadnaha.

Malaha wexeysan ogeyn iney jiraan dad si fiican u og wixii dalka ka dhacay oo xog ogaal ah. Malaha wexey doonayaan ineey taariikhda ka been sheegaan sidey doonaanna u qoraan.

Wexey qiraan wax qabadkii kacaanka wexeyna xaqiraan sababihii keenay burburkii dowladdii Kacaanka oo ahaa:

1) Burburka dhaqaalihii yaraa ee dalka ee ka dhashay dagaalkii xoreyntii Soomaali Galbeed, qiime dhicii shilin soomaaliga iyo boobkii bareerka ahaa ee hantida ummadda.

2) Ku tumashadii shuruucdii dalka iyo awood sheegashadii iyo.

3) Xukunkii raagay ee aan oggoleyn is beddel iyo dimuqraadiya.

Waxaa kaloo ay qiraan iney jabhado dalka ka sameysmeen, balse wexey burburka dowladda dusha u saariyaan hal jabhad oo la yiraahdo USC ayagoo eedda ka reeba SSDF, SNM, SPM, SSNM, SDM, SNF iyo saddex xaraf ee kasta ee aad sameyn karto balse ka billowda xarafka S oo u taagan Soomaaliya.

Wexey qiraan in Xamar laga dumiyay dowladda ayagoo xaqiraya iney Xamar aheyd meeshii u dambeysay ee laga saaray dowladdii Kacaanka balse riditaanka uu ka soo billowday waqooyi galbeed, waqooyi bari ayaa ku xigtay.

Waxaa Qoray: Cali C. Cosoble, MW hore ee Hirshabeelle

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku xusan

Hadalsame Media