Turkiga oo sameeyey daroon joog u degi kara una duuli kara & muuqaalladiisa + Sawirro

0

(Ankara) 26 Sebt 2021 – Shirkadda Baykar Makina ee Turkiga ayaa markii ugu horreeysey naqshadaysay daroon cirka istaagi kara isla markaana u duuli kara una degi kara qaab joog ah, kaasoo ay kusoo bandhigtay carwo-cireedka Teknofest.

Tijaabada duullimaadka iyo degitaanka joogga ah (VTOL) ayaa lagu wadaa in dhowaan lasoo afjaro, iyadoo soo saarista badan iyo daabulidda si rasmi ah loo bilaabayo horraanta 2022-ka.

Daroonkan ayaa maadaama aanu u baahnayn dhabbe uu ku ordo marka uu duulayo ama degayo wuxuu si fudud uga haadi karaa maraakiibta dushooda, oogooyinka caadiga ah iyo meelo ay ka mid yihiin safaqyada dhismayaasha, sida uu sheegay Burak Özbek, oo ah injinneer naaqish ah oo ka tirsan Baykar oo horay u samaysay daroonnada Bayraktar TB2 iyo Akıncı.

Daroonkan ayaa marka hore ee uu duulayo wuxuu adeegsanayaa 4 matoor oo elegtaroonig ah, balse marka uu cirka galo wuxuu isticmaalayaa matoor dayuuradeed oo caadi ah oo ah kuwa shidaalka guba, sida uu Özbek u sharraxay Anadolu Agency (AA).

Daroonkan oo maadaama uu leeyahay il tamareed barxan duuli kara 12 saacadood oo xiriir ah ayaa sidoo kale wuxuu matoorku dabaynayaa batariga matoorrada korontada ku shaqeeya.

Wuxuu leeyahay kaamirooyin kul-arag ah, aaladda laysarka iyo walxo uu masaafada ku cabbiro.

Hadalsame Media

Facebook Comments