”Ma waxaan sugaynaa inta kulligeen nala dilayo!” – Su’aal ay qabtey Hibaaq Abuukar oo shalay lafteeda la diley!

0

(Muqdisho) 26 Sebt 2021 – Hibaaq Abuukar oo ka tirsanayd Xafiiska RW Rooble ayaa ka mid noqotay dadkii shalay ku dhintay qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho sida tobannaan kale oo rayid ah oo iyaguna ku waxyeelloobey weerarkaa bahalnimada ahaa.

Qoraal ay Facebook soo dhigtay 28-kii Maarso 2019-kii ayay Hibaaq isku waydiinaysey su’aalo ku saabsanaa isla wixii iyada qof ahaan shalay qabsaday ee ay ku dhimatay.

”Ilaa goorma ayaannu aamusnaan doonnaa ma ilaa marka qof kasta sabab la’aan u dhinto maalin kasta? Qof hooyadii, aabbihii, gabadhiisii, wiilkiisii iyo carruurtiisii ayaa la dilayaa,” ayay soo qortay Hibaaq (AUN).

Waxay xustay dhibka jira oo ah in 30 sano ay dagaallo micne la’aan ihi dadkii ku le’anayaan, balse si fudud tacsi loogu soo qorayo baraha bulshada kaddibna laga soconayo, balse uu dhibkii taagan yahay una baahan yahay wax ka qabasho, iyadoo dhaliishay in nolol ahaan loo aqbalo in dadka la iska dilo ama la dhaawaco.

Waxay soo qaadatay Xadiiska Nabiga (NNKH) uu Muslimiinta ku misaalayo sidii hal jir oo haddii ay xubini xanuunsato ay inta kalena dareemayso, iyadoo su’aal gelisey sababta loo raaci la’yahay diinta. ”Miyaynaan Muslim ahayn?” ayay is waydiinaysey.

Nasiib xumo, iyada ayuu ku yimid kalkii kurbada badnaa ee wareegayey oo shalay ayay ku dhimatay qaraxii Imbaradooriyadda Ceel Gaabta.

Allaha u naxariisto Hibaaq iyo intii kale ee halkaa ku dhimatay. Aamiin.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media