Kenya oo isu diyaarinaysa inay diiddo go’aanka ICJ (Dal ay tusaale ka dhiganayaan & meel ay doodoodu ka jaban tahay)

0

(Hadalsame) 26 Sebt 2021 – Dooda Kenya ee ah in aysan u hoggaansamayn Go’aanka ICJ sida USA horey ugu diiday iyo caqabadaha hor yaalla.

Sida lagu daabacay Wargayska Nation oo soo xiganayo Saraakiil sare oo ka tirsan Dowladda Kenya, Kenya ma aqbali doontaa wax ay ku tilmaantay Hannaan lid ku ah oo cadaalad darro ku dhisan kaas oo kasoo baxaya Maxkmadda ICJ. “Kenya has also vowed not to accept what it considers “an illegitimate process” by an international entity.”

Wargayska waxuu sheegay diyaar-garow xooggan oo ay Dowladda Kenya ugu jirto go’aan ka dhan ah oo ay ka filanayso ICJ, walaow dhanka Soomaaliya ay kaga mashquulsantahay Khilaaf Siyaasi ah.

Arintaas waxay ka dhigantahay in Kenya ay ka quusatay rajo dhanka Xeerka Caalamiga ah oo ay Maxkamadda dabaqi karto, islamarkaasna ay sii ogtahay in Go’aan lid ku ah uu kasoo bixi doono Maxkamadda ICJ, ayna u diyaar-garoobayso sidii ay uga hortagi lahayd.

Wargayska oo aalaaba la mariyo dooda ay qabto Dowladda ayaa sheegay isagoo xiganayo Saraakiil sare in Kenya aysan ku qasbanayn fulinta go’aankaas maadaama Dowladda Maraykanka ay horey u diiday Go’aanada ICJ 2018-kii iyo 1986-kii.

Hadaba diidamada USA ee Go’aanka ICJ sidee ahaa, maxuuse ku saabsanaa?.

In kastoo Wargayska Nation uu soo xigtay in go’aanka Maxkamadda ay diidi doonto Kenya sida horey ay ugu diiday USA 2018, 1986-dii balse ma faah-faahin sida ay u dhacday arintaas iyo sida ay ugu adeegayso danaha Kenya.

Nicaragua Vs United States 1986-kii.

Dacwadda ka dhaxeysay Dowladda Nicaragua iyo United States 1986-dii waxay ahayd Dacwad ku saabsan ku xad-gudub qaanuunka Dowliga ah iyo Heshiis saaxiibtino oo uu dhaxeeyey labada dal.

USA ayaa hubaysay koox Mucaarad ah oo dalkaas dhib ka gaystay taas oo ay Maxkamadda ICJ u fasirtay faregalin, ku xad-gudub madax-banaanida iyo mabaadi’aadaha Heshiiska Caalamiga ah, iyadoo ay Nicaragua kaga adkaatay Maxkamadda ICJ horteeda Dowladda Maraykanka.

USA ayaa diiday Go’aanka Maxkamadda sida Saraakisha Nation la hadlay ay sheegeenba, balse waxaa xusid mudan in USA ay ku xirtay shuruudo marka ay saxiixaysay Maxkamadda ICJ taas oo ka dhigayso in xukunada qaar aysan u hoggaansamaynin.

In kasto oo ay jiraan Shuruudaha gaar ah ee USA hadana USA waxaa fuulay culays qaanuuneed markii ay diiday Go’aanka ICJ, kadib markii Golaha loo dhanyahay ee QM ” The UN General Assembly” uu soo saaray 3 November 1986, Go’aanada kala ah 41/31 kuwaas oo lagu farayo USA in ay u hoggaansanto Go’aanka Maxkamadda ICJ.

Go’aanka Golaha waxuu ahaa mid la isku raacay golaha guud marka laga rebo Israel and El Salvador oo Nicaragua ay xurguf kala dhaxeysay.

Sidoo kale wakiilka joogtada ee Nicaragua ayaa u soo gudbiyey Golaha amaanka QM labo waraaqadood oo codsi ah, kadibna waxaa Golaha loo soo gudbiyey Hindise arinta la xariiro “draft resolution” oo ay soo diyaariyeen dowladaha Congo, Ghana, Madagascar iyo Imaaraatka Carabta.

In kastoo Golaha Amaanka uusan ku doodin Q. 94/ 2 ee Cahdiga QM oo sheegayo in tilaabooyin Amni uu qaado, hadana 31 July 1986, waxuu qaatay Go’aano aan qasab ahayn “non-binding resolution ” waxuuna soo saaray S/18250 kaas oo farayo in dowladda Maraykanka ay bixiso magdhaw, una hoggaansanto Go’aanka Maxkamadda. Dowladda Marayka ayaa bixisay magdhawgii Nicaragua ugu dambayn, waana arin dooda Kenya aan taageeraynin.

Go’aanka ICJ ee dolwadda Maraynka ay diiday 2018.

Go’aankaan waxuu ku saabsanaa dacwad ka dhaxeysay USA iyo Jahmuuriyada Iiraan, waxaana gudoominaayey C. Qawi Yusuf Axmad, waxuuna ku saabsanaa cunaqabatayn USA ay kusoo rogtay Iiraan kadib markii ay ka baxday heshiiskii “Joint Comprehensive Plan of Action (JCPOA) ee Nuglayrka Iiraan lagala galay.

Dowladda Iiraan waxay ku dodaysay in USA ay ku xad-gudubtay Heshiis Saaxiibtinimo oo 1955-tii ay galeen labada dal. “Treaty of Amity, Economic Relations, and Consular Rights signed by Iran and the United States in 1955”, kaas oo Q. 21/2 ay dhigaysay in waxii muran ah oo ka dhasho ICJ ay galayso, halka Maraykanka ay ku doodayeen in dooda aysan ahayn jabin heshiis si Maxkamadda ay u gasho balse ay tahay JCPOA oo leh habraac u gaar ah, USA ay tallaabooyin Amni qaadi karto.

Iiraan ayaa Maxkamadda ICJ kaga adkaatay USA November 2019, balse USA ayaa diiday, iyadoo isticmaashay Xeelad sharci kadib markii ay ka baxday Heshiiska saaxiibtinimo, iyadoo Q. 23 ee heshiiska 1955 uu dhigayo in dhinac uu ka bixi karo Heshiiska. In kastoo ay xeelad sameeyeen hadana waa laga adkaaday USA dhinaca sharciga, Wasiirka iiraan Arimaha dibada Jawaad dariifna waxuu ku tilmaamay guul Qaanuuneed, walina waa dood taagan oo USA ay waji gabax kala kulantay dunida xilligii Donald J. Trump .

Dowladda Kenya waxay u muuqato mid ka aradan dhanka Sharciga, islamarkaasna doodahooda ay is burinayaan. Tusaale Qoraalka Nation shalay waxaa dooda Kenya lagu saleeyey in Somaliya & Kenya ay ku ahaayeeen heshiis badda tan iyo 1979-kii sababtoo ah wax buuq ma jirin, “within the maritime boundary established by Kenya and respected by both parties since 1979”, taas oo ka hor imaanayso doodoodii hore ee MOU-ga oo sheegayey in uusan jirin heshiis, dhinacyadana ay tahay in ay isku fahmaan.

W/D: Cali Sh. Aadan Yuusuf “Cali Soomaali”

Hadalsame Media