”Dad baa qas la maaggan!” – Somalia oo loo jeediyey inay ka digtoonaato xilliga xasaasiga ah ee lagu beegay go’aanka ICJ

0

(Hague) 26 Sebt 2021 – Maxkamadda Cadaaladda Caalamka ee ICJ ee fariisata Hague ayaa iclaamisay goorta iyo goobta ay ka iclaamin doonta go’aanka dacwadda Somalia.

Maxkamadda ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in ay go’aanka ku dhawaaqi doonto 12-ka bisha soo aaddan ee Oktoobar. Waxaa goobta go’aanka laga dhawaaqayo oo ah Aqalka Peace Palace goobjoog ahaan doona Guddoonka sare ee ICJ, Garsoore Joan E. Donoghue.

Waxaa sidoo kale ay Maxkamaddu si rasmi ah ugu dhawaaqday in uu go’aanku soo baxayo saacadda maxalliga ihi marka ay tahay 3:00 ama 15:00 pm.

Haddaba, dad arrimahan u dhuul daloola ayaa soo jeediyey in taxaddar laga muujiyo arrintan, gaar ahaan xilliga xasaasiga ah ee ay Somalia ku jirto oo ay siyaasiyiin karti & dadnimo xumi istaajiyeen boos halis ah oo aanu dalku lahayn dowlad sharciyad buuxda haysata.

”Xilli go’aanka la sugayo maaraynta amaanka iyo siyaasadda Somalia aad bay muhim u tahay labada todobaad ee soo aaddan, waayo hay’aad shisheeye oo tas-hiilaad fiican lagu bixiyey ayaa wax kasta u samayn doona inay Somalia qas & qaalaanqal ridaan.” ayay sheegayaan ilo hoose oo muhim ah.

Dad badan ayaa is waydiinaya sababta ay Maxkamadda ICJ u dooratay inay go’aanka, oo aan wax uu yahay la ogayn, ku dhawaaqdo xilligan oo ay u sugi la’dahay in uu go’aanku soo baxo doorashada kaddib, maadaama uu dalka Somalia haatan ku jiro marxalad kala guur ah oo uu baylah yahay.

Hadalsame Media