XOG: Farmaajo & Rooble oo u dhow inay heshiis gaaraan (Midkood oo hal sabab darteed u tanaasuley)

0

(Muqdisho) 23 Sebt 2021 – Sida ilo xog ogaal oo aan helay sheegayaan, MW Farmaajo iyo RW Rooble ayaa la filayaa in ay heshiis ka gaaraan khilaafkii u dhaxeeyay, iyada oo uu RW Rooble la filayo in uu ka tanasulo qodobadii uu ku dhaganaa.

Wazaa la filayaa in la sameeyo isku shaandhayn yar oo golaha wasiirada ah, taas oo sababi karta in Wasiirka amniga oo uu RW Rooble magacaabay ee C/laahi Maxamed Nuur loo weeciyo wasaarad kale, halka agaasimaha Nabad Sugidana isbadal ku imaan karo.

Kaddib cadaadis dhawr ah oo RW Rooble uga yimid dhinacyo kala duwan, waxaa RW sheegay in si doorashadu u socoto uu wax walba ka hormarin doono.

Shirkii Maamul goboleedyada ee uu RW Xalay shir gudoominayay, ayay inta badan maamul goboleedyadu isku aragti ka noqdeen in khilaafka siyaasadeed uu dib u dhac u keeni karo doorashada.

Kiiska Ikraan Tahliil ayaa la filayaa in loo daayo hay’adaha cadaaladda, waloow ay adkaan doonto in si dhakhsiyo ah loogu dhawaaqo natiijada kiiskaas.

Waxaa Qoray: Xasan Cadde

Hadalsame Media