XOG: Dad soo dhowayn lahaa Wasiirka Qorshaynta oo loo diidey inay galaan Garoonka Dayuuradaha Garoowe + Sawirro

0

(Garoowe) 23 Sebt 2021 – Dad Garoonka Diyaaradaha magaalada Garoowe u tegey inay soo dhoweeyaan Wasiirka Qorshaynta DF Somalia, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa halkaa laga soo celiyey.

Wasiirka oo saaka ka soo duulay magaalada Muqdisho ayaa doonayey inuu booqdo degaanno ka tirsan bariga Puntland.

Saxafiyiin maxalli ah oo goobjoog ahaa oo garoonka u dhowaadey ayaa sheegaya in sidoo kale la celinayo baabuur u socota magaalada Dhahar ee gobolka Haylaan oo iyana lagu wado inuu wasiirku booqdo.

Wasiirka ayaa haatan soo degey tiiyoo aysan garoonka joogin dadwayne badan oo soo dhoweeyn lahaa maadaama la celiyey.

Lama faahfaahin weli sababta keentay in uu tillaabadan qaado Maamulku, balse wixii kasoo kordha waan idiin soo gudbin doonnaa i/A.

Sawirro: Max’ed Saalax

Hadalsame Media